Ugaaska Xawaadle oo maanta lagu caleemo saaray degaan ka tirsan Hiiraan (Sawirro)

Posted on

Deegaanka Daaro-Ugaas oo hoos taga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan waxaa ka dhacday xafladda Caano-shubka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ah ugaaska beesha Xawaadle

Waxaa halkaas isugu tegay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo ay ka mid yihiin inta badan xildhibaanada laga soo doorto gobolka Hiiraan, Taliyaha NISA iyo masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka HirShabeelle.

Sidoo kale xafladda Caano-shubka Ugaaska Yuusuf waxaa ka qeyb-gelay duubabka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed oo ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya.

Deegaanka ay maanta xafladaasi ka dhacday wuxuu ka mid yahay dhulkii baaxada lahaa ee dhowaan laga xoreeyey  Al shabaab

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa noqonaya Ugaaska 21-aad ee Saldanadda Ugaaasyada beelaha Xawaadle oo ah Saldanada ugu faca weyn dhulka Soomaalida.

HOOS KA DAAWO

Source link