Turkiga oo qaadaya tallaabaddii u horreysay ee shidaal qodista Soomaaliya

Posted on

Ankara (Wararka Maanta) – Dowladda Turkiga ayaa qaadeysa tallaabaddii ugu horreysay kadib heshiiskii shidaal qodista Soomaaliya, ayada oo Soomaaliya usoo direysa markabkeefa sahminta.

Turkish Petroleum oo ah shirkad ay dowladda Turkiga leedahay ayaa lagu wadaa inay toddobaadyo gudahood Soomaaliya usoo dirto markabka Seismic Oruc Reis, si u bilaabo sahminta saddex baloog oo dhowaan laga siiyay xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa shaaciyay in Turkiga markabkan uu Soomaaliya usoo diri doono horraanta October ee sanadkaa, si uu helo xogta seismic ee 3D ee dhulka saliidda iyo gaaska ee gudaha Soomaaliya.

Bayraktar ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in sahanka 3D uu socon doono muddo bilo ah.

Maraakiibta taageerada oo ay ku jiraan kuwa badda ayaa raaci doona markabka Oruc Reis inta uu ku jiro socdaalka Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah heshiis ballaaran oo dhex-maray Ankara iyo Muqdisho, kaasi oo qeyb ka ah difaaca badda iyo tababarada muddo labo sano ah, si loo xaqiijiyo gelitaanka saddex goobood oo sahaminta badda ah.

Heshiiskan ayaa sidoo kale wuxuu xaquuq qaas ah u siinayaa Turkiga inay hydrocarbon oo ah shidaal iyo gaaska dabiiciga ah ka baarto kadib kasoo saarto saddex aag oo kiiba yahay 5-kun kilomitir oo isku wareeg ah.

Labada ka mid ah aagagga ayaa waxay 50 kilimitir loo galayaa badda, halka mid ka mid ahna uu gudaha badda loo aadayo ilaa 100 kilomitir.



Source link