Trump oo lagu dhaawacay wax u muuqday rasaas

Posted on

Butler (Wararka Maanta) – Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa lagala cararay masrax uu hadal ka jeedinayey, magaalada Butler ee gobolka Pennsylvania kadib wax u muuqday rasaas lagu riday.

Ciidamada ilaalada madaxda ee loo yaqaan Secret Service ayaa la cararay Trump kadib markii la maqlay dhawaqa wax u ekaa rasaas, ayada oo la arkayey Trump oo dhegta haysta.

Illaa hadda ma cadda in dhawaqa uu ahaa rasaas, balse Trump ayaa la arkayey isaga oo ka dhiig-baxaya dhegta midig, islamarkaana uu gacanta ku hayo.

Wax yar kadib markii ciidamada ay dhulka dhigeen oo ay isku dabooleen, Trump ayaa so istaagay ayada oo dhiiga uu soo gaaray wejigiisa, waxaana kadib lagula cararay baabuurta.

Ilaa hadda faah-faahin rasmi ah lagama hayo xaqiiqda waxa dhacay, iyo haddii waxa ku dhacay Trump ay yihiin rasaas, balse wax kasta oo ay ahaayeen-ba waxay u muuqata in aysan halis gelin naftiisa, islamarkaana dhaawaca gaaray uusan aheyn mid halis ah.

Illaa hadda ololaha Trump ayaa ka hadlin dhacdadan.

Afhayeen u hadlay Secret Service, Anthony Guglielmi, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Trump “uu badqabo” ka dib “shil ka dhacay” isu soo bax uu ku qabtay Pennsylvania. Ma uusan bixin faahfaahin intaas dheer.



Source link