Muqdisho (Wararka Maanta) – Dunida oo idil waxay isha ku haysa doorashada Maraykanka ee 5-ta November dhacaysa, maadaama uu yahay dalka dunida ugu awoodda badan.
Saadaasha cod-bixiyayaasha laga qaaday ee musharraxa Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, iyo Dimoqoraadiga Kamala Haris ayaa foodda isku saaran.
Isbarbar-dhaca labada musharrax ayaa sabab looga dhigayaa qaabkii cod bixinta lagu aqoon jiray oo is-beddelay.
Kolkii hore doorashada waxaa sal u ahaa jinsi iyo dabaqad dhaqaale, dadka hantida badan leh, kuwa dabaqada dhexe, iyo caddaanka intiisa badan midigta ayey ahaan jireen, waxayna codka siin jireen Xisbiga Jamhuuriga, halka danyarta, xoogsatada, dadka madowga ah iyo kuwa kalarka ay bidixda xigi jireen, codkana siin jireen Xisbiga Dimoqoraadiga ah, laakiin xaalku sidii hore maaha, waxaana loo tiirinayaa is-bedellada ay keeneen caalamiyeynta (Globalisation) iyo kacaanka macluumaadka (information revolution) kuwaasoo majaha u rogay siyaasaddii.
Hadda waxaa lagu qaybsan yahay dhaqan, hayb iyo Diin. Dadka magaalka ah, aqoonta heerka jaamacadeed leh, cilmaaniyiinta ah iyo haweenka badankood waxay u codaynayaan Kamala.
Halka kuwa aan aqoonta heerka jaamacad lahayn, tuulajoogga ah, diinta haysta, iyo raga badankoodna waxay codka siinayaan Trump, taas ayaana keentay in dad badan oo madow ah iyo kuwa ka soo jeeda qowmiyada Hispanic oo horay ugu codayn jiray Dimoqoraadiga ay markaan Trump u codaynayaan.
Haddii uu Trump soo baxo maamulkiisu wuu ka jeesan doona Geeska Afrika, taa beddelkeeda waxaa isku herdin doona awoodaha dhexe ee Gobolka, Sida; Turkiga, Masar, Iiraan, Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Haddiise ay Kamala soo baxdo Dimoqoraadiga kama jeesan doonaan xasaradaha ka taagan geeska Afrika, waxayna xoogga saari doonaan in ay xakameeyaan loollaanka awoodaha dhexe, kana ilaaliyaan in uu si taban u saameeyo gobolka.
W/Q: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur