Taliyihii xilka laga qaaday ee xoogga dalka oo hal arrin ku amaanay Xasan Sheekh

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Taliyaha cusub ee ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi ayaa caawa xilka kala wareegay taliyihii hore Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle.

Taliyihii xilka laga qaaday ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxuyidiin oo hadal ka jeediyey xafladda xil wareejinta ayaa is bedelkaan uga mahadceliyey madaxweyne Xasan Sheekh.

“Waxaan aad ugu mahad naqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo soo magacaabay Taliyaha Xoogga iyo Taliyaha dhulka oo aan aamin sanahay inay yihiin rag dhalinyaro ah oo aad u fir fircoon” ayuu yiri Jeneraal Ibaarim Sheekh.

Taliyaha ayaa sheegay in saraakiishaan ay u muuqdaan kuwo dhiig cusub ku shubi kara halganka dalka looga xoreynayo Khawaarijta, maadaama ay yihiin dhalinyaro firfircoon oo horay u soo hoggaamisay ciidanka.

“Ciidanka xoogga dalka waa in goor kasta la garab istaago, shaqada maanta dalkaan ay ka hayaan waxaa muuqata inay ku guuleysteen,” ayuu yiri Taliye Ibraahim.

Wuxuu sheegay in Ciidanka Xoogga ay dagaal saf balaran ah uga jiraan Gaalkacyo ilaa Raaskambooni – Jubbaland, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyey in waqti dhow dalka looga xoreyn karo Al-Shabaab.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa caawa ka dhacday Talis cusub oo ciidanka dhulka ee xoogga dalka uu yeeshay oo ku yaalla Kuliyadda Jaalle Siyaad.

Jeneraal Dayax oo caawa xilka wareejiyey ayaa toddobaadkii hore xarigga ka jaray xaruntaan oo la dhisay intii uu xilka hayey, balse nasiib uma yeelan inuu ku shaqeeyo.

Hoos ka daawo



Source link