Taliye Shub oo taalo u dhisaya askarigii fashiliyey toogashadii Xabsiga Dhexe

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa balan-qaaday in dalacsiin loo samey doono askarigii isku dayey inuu xakameeyo kooxdii maxaabiista aheyd ee weerarka ka geysatay gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, sidoo kalena taalo loo dhisi doono askarigaas oo shalay dhintay.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa maanta sheegay in askari ka tirsanaa ilaalada xabsiga dhexe ay raggii maxaabiista ahaa isku dayeen inay furaha qolkii ay ku jireen ay xoog uga qaataan, balse uu sameeyey naf hurnimo badbaadisay dad badan.

Raga fuliyey weerar ayaa ku xiraa hal qol, askarigii hayey furaha qolka ay ku jireen ayay u yeereen, wuxuu soo istaagay irida, kadibna waxay ku qabteen qori, waxayna ku amreen inuu dhiibo furaha, balse go’aan ayuu qaatay, wuxuuna si deg deg ah u tuuray furihii.

Markaas ayey bilaabatay rasaastu, ragii waxay toogteen askarigii, kadibna waxay xabado ku fureen Albaabka iyo qunfulkii saaraa, waxayna fursad u heleen inay banaanka u soo baxaan, balse wuxuu loo diiday jaanis ay ku baxsadaan.

Ciidankii ilaalada ka ahaa Xabsiga Dhexe ayaa ku dadaalay in ragaasi aysan baxsan, sidoo kalena aysan geysan khasaare badan, waxaana markii dambe lagu guuleystay in 5-tiiba la toogto, iyagoo dagaalamaya.

Ragaas waxay galaafteen nolosha 3 askari oo ninka taalada loo dhisayo uu ku jiro, sidoo kale waxay dhaawaceen 18 maxbuus iyo 3 askari oo kale, sida uu shalay sheegay afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliya.

Taliyaha Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan ayaa sheegey in isla maanta uu dhagax-dhigayo taalada askarigii diiday inuu furaha siiyo dhagarqabayashii weerarka fuliyey, sidoo kale wuxuu sheegay in loo samey doono dalacsiin, isagoo geeriyooday, si loo maamuuso kaalintiisa iyo geesinimadiisa.

Ragga weerarkaas geystay waxay ahaayeen 5 nin oo horay maxkamadda ciidamada ay dil toogasho ah ugu xukuntay, kadib markii lagu helay dilal ay geysteen, maadaama ay ka tirsanaayeen Khawaarijta.

Hoos ka daawo

 



Source link