Taliye Sambaloolshe oo dalab xasaasi ah hordhigay Ugaaska cusub ee Xawaadle

Posted on




Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanboloolshe) ayaa maanta booqasho ugu tagay Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Sambalooshe ayaa Hambalyo kadib kala hadlay Ugaaska muhiimadda ay dowladda Soomaaliya siineyso hawlaha nabadeynta, dib u heshiisiinta bulshada iyo dagaalka al shabaab

Taliyaha oo dul istaagay sida ay shacabku ugu dhego nugul yihiin duubabkooda dhaqanka ayaa Ugaaska ka codsaday in uu dowladda ku garab siiyo dardar-gelinta dagaalka ay dowladdu kula jirto kooxda  al shabaab.

Deegaanka Daaro-Ugaas oo hoos taga degmada Halgan ee gobolka Hiiraan waxaa shalay ka dhacday xafladda Caano-shubka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ah ugaaska beesha Xawaadle

Waxaa halkaas isugu tegay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka oo ay ka mid yihiin inta badan xildhibaanada laga soo doorto gobolka Hiiraan, Taliyaha NISA iyo masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka HirShabeelle.




Source link