Muqdisho (Wararka Maanta) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa maanta kulan ballaaran isugu yeeray saraakiisha ciidanka booliska, isaga oo ka dhageystay warbixinno la xiriira amniga dalka.
Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ahaa inta badan saraakiisha booliska, kuwaas oo warbixin la xiriirta amniga u gudbiyay taliye Asad Diyaano.
Warbixinta ayaa si gaar ah uga hadleysa amniga caasimada, howlgallada ka socda iyo howlaha ay booliska u hayaan bulshada Soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa kulanka inta uu socday lagu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiiin, adkaynta amniga, dabar goynta Khawaarijta, hirgalinta saraynta sharciga.
Waxaa kale oo la isla qaaday in la dar dargaliyo arimaha amniga, iyadoo xooga la saarayo ku dhaqanka saraynta sharciga wacyigalinta shacabka si wadajir loogu istaago ilaalinta xasalinoonida dalka.
Taliyaha booliska oo madasha ka hadlay ayaa faray saraakiisha amniga in ay laba jibaaraan shaqada ay u hayaan bulshada, waxaana uu tilmaamay in la joogteyn doono kulamada noocan oo kale ah ee looga hadlayo Amniga.
Maalmihii u dambeeyay booliska Soomaaliya ayaa waxa uu waday howlgallo amni xaqiijin ah, sidoo kalena looga hortegayay beegsiga ay Al-Shabaab u bilaabeen ganacsatada Muqdisho ee hoggaansamay amarka dowladda, isla markaana xirtay kaamirooyinka.
Maanta ayaa ugu dambeysay ciidamada ammaanka ayaa gacanta kusoo dhigay labada eedeysane oo loo haysto inay ganacsato ku dileen gudaha degmada Daarusalaam.