Swan oo u daadagay xal u helida xiisadda Xasan iyo Deni iyo caqabadaha horyaalla

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xiisadda u dhaxeysa hoggaamiyaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labo sano jirsatay.

Labada nin ayaa iskaga soo dhawaanin wax siyaasad iyo wada-shaqeyn ah, tan iyo markii Xasan Sheekh uu ka baxay ballankii ahaa in ra’iisul wasaaraha la siiyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Ergeyga cusub ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire James Swan ayaa shalay tegay magaalada Garoowe, waxaana isaga iyo Saciid Deni ka wada-hadleen xaaladaha guud ee dalka, gaar ahaan khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland, oo runtiisa ay tahay khilaaf Xasan Sheekh iyo Saciid Deni.

James Swan oo faham fiican ka haysta siyaasadda Soomaaliya ayaa kulankaasi kadib ku baaqay inay muhiim tahay in la xaliyo khilaafka labada dhinac, taas oo ay dan-weyn ugu jirto dowladnimada Soomaaliya iyo hore u socodka dalka.

Wuxuu ugu baaqay labada dhinac inay dib u bilaaban wada-hadaladdii xalka doonka ahaa. Dhowr jeer oo hore oo la isku dayay in Deni iyo Xasan Sheekh la isku soo jiid-jiido ayaa waxba ka suurtoobin, laakiin hadda xoguhu waxay sheegayaan inuu James Swan billaabayo u kala dab-qaadida labada dhinac, uuna rejo fiican qabo.

Khilaafka hadda halkii hore waa ka dhowyahay oo Deni hadda waa ka baxday doonistii kursiga ra’iisul wasaaraha oo wuxuu dib u helay kursigii madaxtinimada Puntland, kaas oo uu shaqo badan ku qabsan karo inta uu ku jiro ololaha doorashada madaxtinimada Soomaaliya, oo uu rajeynayo inuu ka qeyb-gali doono markiisi saddexaad doorashada 2026.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa waxay aaminsan yihiin in maqnaashaha Saciid Deni ay wax badan u qabsoomayaan, laakiin waxyaabahaasi ma ahan kuwo guud oo dalka anfacaaya, dalkana uma wanaagsana in dano kooxeed iyo kuwo shaqsiyadeed khilaaf loo geliyo.

Waxaa la aaminsan yahay inuu Danjire James Swan wax badan isku soo jiid-jiidi karo labada nin, laakiin labada arrimood ee ugu adag haddana ugu muhiimsan waxay noqon doonaan arrinta doorashada iyo midda dastuurka.

Labadaasi qodob mid Saciid Deni wuxuu ku metelayaa reer Puntland waana midda dastuurka, midna naftiisa ayuu ku metelayaa waana nooca doorashada.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku adkeysanayaa inuu qaban karo doorasho qof iyo cod ah, waxaase loo arkaa dood madax furasho ah oo lagu raadinayo muddo kororsi balse aan la socon waaqica maanta yaalla Soomaaliya.

Halka kooxaha mucaaradka ah iyo dadka damaca doorashada qaba sida Saciid Deni ay ku doodayaan in uusan dalka hadda taas u diyaarsaneyn beddelkeedana ay muhiim tahay in si dhab ah looga heshiiyo nuuca doorashada la qaban karo, iyada oo marwalba la ilaalinayo waqtiga doorashada oo ah 15-ka May 2026.

Saciid Deni iyo Xasan Sheekh waxaa dhowr jeer loogu baaqay inay dalka iyo dowladnimada u tanaasulan oo ay khilaafkooda shaqsiga ah xal u beddelaan.



Source link