Soomaaliya waxaa la keenay fikirkii Afwerki

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee baarlamaanka ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxda dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Mustaf Dhuxlow ayaa sheegay in dalka uu hadda ku socdo waddadii lagu yaqaanay kaligii talisnimada, isaga oo sheegay dhammaan laga arki karo tallaabooyinka ay qaaday dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Dhuxulow ayaa shaaca ka qaaday in dalka la keenay fikirkii madaxweynaha dalka Eritrea oo kale ee kalitalisnimada, wuxuuna tilmaamay inay ka digayaan.

“Horta haddii aad aragtiin Media la xiraayo, doorasho la diidan yahay iyo dowlad goboleedyada oo la diidan yahay dhaqankaas waxaa iska leh Afwerki, marka lama ogolo in la caburiyo saxaafadda xorta ah inta lasoo qaado oo halkan la keeno fikirkii Afwerki”” ayuu yiri Xildhibaan Mustaq Dhuxulow.

Xildhibaanka ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay iyadu hortaagan tahay doorashooyin ka dhaca maamul goboleedyada, taasna ay tahay caqabad dib u dhigi karta dalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in cawaaqib xumo laga dhaxli kari, haddii aan waqtigooda lagu qaban doorashooyinka dalka.

“Caalamka haddii doorashooyinka ay waqtigooda ku dhici waayaan waxaa dhici doonta inay ka goostaan taageerayaasha ay siiyaan maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe” ayuu raaciyay.

Waxaa kale oo uu farriin u diray madaxweynaha oo uu ugu baaqay inuu wax ka beddalo jihada siyaasadeed ee uu haatan ku wado dalka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh oo nin oday ah 70 jiro ah oo lasoo doortay waxaan ugu baaqayaa inuu wax ka beddalo siyaasaddiisa” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.



Source link