Soomaaliya oo kaalin aan wanaagsaneyn ka gashay liiska xorriyadda saxaafadda Caalamka

Posted on

Hayโ€™adda u dooda Xuquuqda Suxufiyiiinta ee RSF ayaa soo saartay Qiimaynta Sanadlaha ee Xorriyadda Saxaafadda ee Caalamka.

Hayโ€™adda Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn ee Reporters Without Borders (RSF) oo Xarunteeda Dhexe ku taallo Caasimada dalka Faransiiska ee Paris waxay soo saartay Warbixintaasi shalay (April 3-da) oo ku beegnayd Maalinta Caalamiga ee Xorriyadda Saxaafadda.

RSF waxay soo bandhigtay Qiimeynta Liiska 180 Dal ee Heerarka Xorriyadda Saxaafadda iyo Tacadiyada ka dhanka ah Shaqaalaha Hayโ€™addaha Warbaahineed ee Caalamka.

Tobanka dal ee ugu wanaagsan Dhowrida Xuquuqda Suxufiyiiinta iyo Xorriyadda Saxaafada waxay kala yihiin:

1- Norway ๐Ÿ‡ณ๐Ÿ‡ด,
2- Denmark ๐Ÿ‡ฉ๐Ÿ‡ฐ,
3- Sweden ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ช,
4- Netherlands ๐Ÿ‡ณ๐Ÿ‡ฑ,
5- Finland ๐Ÿ‡ซ๐Ÿ‡ฎ,
6- Estonia ๐Ÿ‡ช๐Ÿ‡ช,
7- Portugal ๐Ÿ‡ต๐Ÿ‡น,
8- Ireland ๐Ÿ‡ฎ๐Ÿ‡ช,
9- Switzerland ๐Ÿ‡จ๐Ÿ‡ญ,
10- Germany ๐Ÿ‡ฉ๐Ÿ‡ช.

Sidoo kale, Qiimaynta RSF waxaa lagu soo bandhigay Tobanka dal ee ugu hooseeya Heerka Dhowrista Xuquuqda Suxufiyiiinta iyo Xorriyadda Saxaafadda, waxayna kala yihiin:

1- Myanmar ๐Ÿ‡ฒ๐Ÿ‡ฒ,
2- China ๐Ÿ‡จ๐Ÿ‡ณ,
3- Bahrain ๐Ÿ‡ง๐Ÿ‡ญ,
4- Vietnam ๐Ÿ‡ป๐Ÿ‡ณ,
5- Turkmenistan ๐Ÿ‡น๐Ÿ‡ฒ,
6- Iran ๐Ÿ‡ฎ๐Ÿ‡ท,
7- North Korea
8- Afghanistan ๐Ÿ‡ฆ๐Ÿ‡ซ,
9- Syria ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡พ,
10- Eritrea ๐Ÿ‡ช๐Ÿ‡ท

Warbixinta Hayโ€™adda Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn ee Reporters Without Borders (RSF) waxaa kaloo markii ugu horeysay lagu muujiyey inuu Heerka Xorriyadda Saxaafadda ee dalkeena Hooyo sare u kacay, halkii aybhorey Somalia uga mid noqon jirtay dalalka ugu heerka hooseeya Dhowrida Xuquuqda Suxufiyiiinta iyo Xorriyadda Hadalka.

Dhinaca kale, Liiska u dambeeyey ee ay Hayโ€™adda RSF shalay soo daabacday waxay Somalia ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด Qiimaynta Sanadlaha ee Xorriyadda Saxaafadda kaga jirtaa Kaalinta 145-aad.

Markaynu guudmar ku samayno Liiskaasi, waxaa jira Waddamo Caan ah oo heerkooda Dhowrida Xuquuqda Suxufiyiiinta ka heer hooseeyaan dalkeena.

Tusaale ahaan Sudan ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ฉ oo gashay kaalinta 149-aad, dalka Tรผrkiye ๐Ÿ‡น๐Ÿ‡ท oo ka soo muuqatay Kaalinta 158-aad, Imaaraadka Carabta ๐Ÿ‡ฆ๐Ÿ‡ช Kaalinta 160-aad, Djibouti ๐Ÿ‡ฉ๐Ÿ‡ฏ Kaalinta 161-aad, Sacuudiga ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ฆ Kaalinta 166-aad, Iraq ๐Ÿ‡ฎ๐Ÿ‡ถ Kaalinta 169-aad, Masar ๐Ÿ‡ช๐Ÿ‡ฌ Kaalinta 170-aad, Shiinaha ๐Ÿ‡จ๐Ÿ‡ณ 172-aad iyo Bahrain ๐Ÿ‡ง๐Ÿ‡ญ Kaalinta 173-aad.

WQ Ustaad Nuradin Abuukar

Source link