Soomaaliya kuma tala-galeyso in dalkeeda loo difaaco ee…

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – La-Taliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin oo ka hadlay heshiisyada difaaca ee Soomaaliya la gasho dalalka saaxiibka la’ah ayaa si cad u sheegay in dowladda marnaba ku tashaneyn in dalkeedda loo difaaco ee ay dooneyso sidii loogala shaqeyn lahaa middaasi.

Xuseen Macalin oo wareysi siiyay VOA ayaa meesha ka saaray in uu jiro qorshe ay dowladda Masar ciidamo ugu soo direyso Soomaaliya, isaggoo sheegay in xukuumadda Qaahir ay ka qeyb qaadaneyso sidii ciidamada Soomaaliya lugahooda ugu istaagi lahaayeen.

“Qorshe Soomaaliya ay ciidamo noogu soo direyso majirto, heshiisyada difaaca waa heshiisyo regular ah oo dowladdaha saaxiiabada nahay la wada galno. Soomaaliya kuma tala-galeyso in dalkeeda loo difaaco,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka.

“Muhiimka waxay tahay dalalka aan la saaxiibayno waxaa kula saaxiibaynaa in kartidii Soomaaliya lagu difaaci lahaa qeyb ka noqdaan oo ciidamada Soomaalida ay u difaacan lahaayeen Soomaaliya.”

Dhawaan golaha wasiirada Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiiska difaac ee ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Masar, xilli ay taagan tahay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, oo sidoo kalena ay is-hayaan Masar.

Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa tan iyo markii uu soo baxay is-afgaradka badda ee Itoobiya iyo Somaliland oo ah xad-gudub ka dhan ah Soomaaliya garab istaag weyn u muujisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda Masar ayaa sida muuqata heshay garabka Soomaaliya, maadaama ay labada dal noqdeen isku cadow, kaasi oo ah dowladda Itoobiya. Masar iyo Itoobiya ayaa isku haya biyo xireenka wabiga Nile, ayaga oo ku sigtay inay xaaladoodu gaarto gacan ka hadal.



Source link