Soomaali iyo Ajaaniib qaba cuduro halis ah oo lagu qabtay MUQDISHO

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Mudane Saalax Xasan Cumar (Saalax Carab) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay dad qaba xanuuno halis ah oo ay soo xirtay Dowladda Hoose ee Xamar, kuwaas oo ka dhex shaqeynayay bulshada Soomaaliyeed.

Saalax Carab ayaa sheegay in waaxda Fayo-dhowrka Dowladda Hoose ay ku guuleysatay inay soo qabteen dad kor u dhaafaya 300 qof oo laga helay cudurada faafa ee halist ah, sida HIV iyo sidoo kale Hepatitis B iyo C, waxayna isugu jiraan dadkaas Soomaali iyo Ajaaniib.

“Hay’adaha u xil-saarnaa hubinta iyo fayo-dhowrka ee dowladda Hoose Xamar waxay ku guuleysteen inay qabtaan dad qaba cudurada faafa HIV iyo Hepatitis B iyo C, kuwaas oo qaarkood si ogaal ah uga shaqeynayay goobaha ay isugu yimaadaan bulshada, qaarkoodna iyaga oo aan ogeyn u adeegaya bulshada, taasi oo halis ku ah bad-qabka muwaadinka Soomaaliyeed” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in 35 qof oo kamid ah dadkaas laga helay cudurka HIV-ga, kuwaas oo 31 kamid ah ay yihiin Sooaalia halka 4 kalena ay yihiin Ajaaniib.

Afhayeenka ayaa sidoo kale xusay in dad kale oo gaaraya illaa 300 oo qof lag helay Hepatitis B iyo C oo kamid ah cudurada halista ah ee sida deg-degga ah ku faafa.

“Baarista caafimaadka guud ee la sameeyay waxaa cudurka HIV-ga laga helay 35 qofood oo isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib, sidoo kale waxaa cudurka Hepatitis B iyo C laga helay dad gaaraya 300 oo qof oo isugu jiro Soomaali iyo Ajaaniib”, ayaa mar kale yiri Afhayeenku.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dalka laga masaafuriyay 4 qof ee Ajaaniibta ah ee laga helay xanuunada, isla markaana dib loogu celiyay dalalkooda.

Waxaa kale oo uu yiri  “Waxaa ay hay’adaha garsoorka iyo amniga so xireen milkiile maqaayad oo goobtiisa ganacsi ku qariyay qof Ajnabi ah oo laga helay cudurka HIV-ga, kaas oo hadda ku jira gacanta dowladda”.

Ugu dambeyn wuxuu digniin culus u diray ganacsatada, wuxuuna sheegay in laga rabo inay qaataan shahaadada caafimaadka, sidoo kale shaqaalaha ayaa la faray inay iyaguna qaataan card-ka caafimaadka ee Dowladda Hoose ee Xamar.



Source link