Somaliland oo tallaabo cusub u qaaday aqoonsi raadinta xilli uu socdo qorshe culus

Posted on

Hargeysa (Wararka Maanta) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhowaaqday dhismaha guddi cusub oo loo xil-saaray howlaha aqoonsi raadinta, oo Somaliland in ka badan 30 dunida ka baadi-goobeysay.

Qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu shaaciyay in guddigan oo heer wasiirro ah loo magacaabay aqoonsi raadinta.

“Somaliland waxay maanta tallaabo weyn u qaaday dhanka aqoonsiga caalamiga ah. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa dhistay guddi heer wasiirro ah oo ka shaqayn doona aqoonsi raadinta,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda oo uu la socdo sawirka madaxda Itoobiya iyo Somaliland oo saxeexaya heshiiskii isfahan ee badda.

Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay ujeedka dhismaha guddigaan oo ah “si loo qaabeeyo loona hirgeliyo dadaallada lagu raadinayo aqoonsi.”

Qoraalkan ayaa imanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay uu magaalada Addis Ababa ku sugnaa wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd, oo la sheegay inuu ka shaqaynayo soo gaba-gabeynta is-fahanka badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

Somaliland oo muddo ka badan 30 sano ah raadinaysay aqoonsi caalami ah ayaa u muuqata inay hadda laban-laabayso dadaaladeeda aqoonsi raadinta, xilli ay Itoobiya la saxiixatay is-fahan ay sheegtay inay uga beddelanayso aqoonsi.

Si kastaba, heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxaa si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya, oo ayadu gebi ahaanba burisay heshiiskaas, ayada oo dagaal diblumaasiyadeed culus ku qaaday Itoobiya, oo ayadu weli ku dhici la’ aqoonsiga Somaliland.



Source link