Somaliland oo soo saartay warbixin ka kooban 15 qodob kuna adkeysatay fulinta…

Posted on




Hargeysa (Wararka Maanta) – Warbixin xasaasi ah oo kasoo baxday Somaliland ayaa waxaa looga hadlay waxqabadka xukuumadda ee todobaadkii tegay, waxaana warbixinta looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan heshiiska bada, doorashada iyo arrimo kale.

Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay in dhowaan la hirgeliyo heshiiska badda ee ay la gashay Itoobiya, waxayna ku adkeystay in aan waxba laga beddali doonin.

Sidoo kale waxa ay ka digtay in maraakiibta dagaalka Turkiga ay soo gaaraan xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo la filayo inay soo caga dhigtaan, si loo fuliyo heshiiskii Soomaaliya iyo Turkiga.

Dhinaca kale xukuumadda maamulka Somaliland ayaa sheegtay in safiirkooda Itoobiya laga guddoomay warqadaha aqoonsiga, isla markaana horay loo sii wado xiriirka labada dhinac.

Hoose ka akhriso warbixinta oo dhammeystiran:-

𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐰𝐚𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝

  1. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag gaashaanka ugu dhufatay in maraakiibta Turkigu ay soo galaan xeebta dheer ee Somaliland.
  2. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay inay ka go’an tahay hirgelinta heshiiskii isfaham ee dhex maray Itoobiya, waxana ay jawaab ka bixisay haddallo ka soo yeedhay dawladda Soomaaliya.
  3. Madaxweynaha JSL, Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qaybgalay aas qaran oo Hargeysa loogu sameeyay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Cabdi Aw Maxamuud Ismaaciil (Xaaji Cabdi Aw Cadde).
  4. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa tacsi u diray dadweynaha iyo dawladda Itoobiya oo uu ka tacsiyadeeyay dadka ku dhintay dhul go’ ka dhacay koonfurta dalkaasi oo ay ku naf waayeen in ka badan 157 qof.
  5. Wasaaradda Kalluumaysiga iyo horumarinta Xeebaha Somaliland ayaa magaalada Ceerigaabo ka daah furtay diiwaan-gelinta Kalluumaysatada iyo Gaadiidka Kalluumaysiga dalka.
  6. Agaasimaha guud ee Baanka dhexe ee JSL, Maxamed Qaasim Xuseen,ayaa Hawl-gal ku fuliyay sarriflayaasha aan sharciga u haysan ku ganacsiga suuqa sarrifka ee Wajaale ee Khalkhalka gelinayay suuqaasi.
  7. Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa daneeyayaasha doorashada u soo bandhigay qoddobo ku saabsan hawlqabadka Komishanka iyo qabyada jirta ee la xidhiidha doorashooyinka isku sidkan ee madaxweynaha iyo ururrada siyaasadda ee muddaysan 13ka November 2024.
  8. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku tilmaantay go’aan lagu degdegay tallaabadii Golaha ammaanka ee Qarammada midoobay ay cuna-qabatayntii hubka kaga qaadeen Soomaaliya.
  9. Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa xadhiga ka jaray Mashruuca Xoolo-naaxinta oo laga Hirgaliyay Deegaanka Balan-baal ee degmada Gar-adag ee gobolka Sanaag.
  10. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Cali Xasan Maxamed, ayaa digniin u diray warbaahinta ka hawlgasha dalka ee  xayaysiisa dhakhaatiirta aan lahayn takhasuska.
  11. Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xukuumadda JSL ay sannadkan dabarayso dhammaan 18ka Milyan ee doollar ee ku baxaya doorashooyinka dalka ee muddaysan 13ka November 2024ka, taasi oo kala badh dhaqaalahaasi ay u shubtay komishanka, halka inta kalena kolba qadarka ay u baahdaan ay soo dalban doonaan.
  12. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti sare oo ka socday Hay’adda Caafimaadka adduunka WHO, oo ay horkacaysay madaxa u sareeya Xafiiska WHO ee Somaliland iyo Soomaaliya.
  13. Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Raabi Cabdi Maxamed iyo Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Eng. Mawliid Nuux Ibraahim, ayaa la kulmay saraakiil ka socotay Baanka Horumarinta Africa oo ay hoggaaminayso Madaxa u qaabilsan Mashaariicda Baanku ka wado Somaliland.
  14. Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska JSL Cali Cumar Maxamed ayaa wareegto ku magacaabay guddiga ilaalinta iyo daryeelka carruurta.
  15. Safiirka Jamuuriyada Somaliland ee dalka Itoobiya Amb. Aadan Geeddi Qayaad, ayaa u gudbiyey waraaqihiisa magacaabista (Accreditation Letter),Agaasimaha guud ee hab maamuuska Wasaarada arrimaha dibadda eec dawladda Federaalka Itoobiya Mudane Melaku Bedada Senbeta.

𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐮𝐫𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐥𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐨𝐝𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐰𝐚𝐤𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐎𝐋𝐍𝐀.










Source link