SOMALILAND oo si adag ugu jawaabtay DF kadib hadalkii kasoo yeeray

Posted on

Hargeysa (Wararka Maanta) – Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u jawaabtay hadallo kasoo yeeray dowladda federaalka Soomaaliya.

Hadalladan oo uu jeediyay wasiir Fiqi, kaasi oo uu ku sheegay in dowladdiisu ay danjirayaasha caalamiga ah kula xisaabtami doonto hadalkii ay ka jeediyeen Hargeysa, oo uu sheegay inay ku xad-gudbeen madax-banaanida iyo midnimada dalka.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Mareexaan oo ka jawaabay hadalkaasi ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka xuntahay horumarka dimuqraadiyadeed ee Somaliland sanadaha badan ka hanaqaaday, taasi oo ay ugu dambeysay doorashadii 13-ka bishaan.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay hadallada kasoo yeeraya dowladda federaalka ay yihiin kuwa muujinaya sida ay uga xumaatay horumarka Somaliland oo ay xaasidayso, sida uu hadalka u dhigaym

“Dowladahan uu maagaya waa kuwa iyaga oo aan meelna xukumin ku sheegay dowlad, ee aqoonsaday, in ay Somaliland yimaadan oo ay qiraan dimuquraadiyada iyo wanaaga ka socdana wax ay isaga uga soo fasaxqaadanayaan maaha,” ayuu yiri wasiir Cali Mareexaan.

Sidoo kale wuxuu si gaar ah ugu mahad-celiyay wakiilada caalamka ee bogaadiyay doorashadii ka dhacday Somaliland, isagoo ku bogaadiyay shacabka sida qaangaadhnimada ah ee u dhacday doorashada.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya warqad u dirtay safiirka Denmark u fadhiya dalka Steen Sonne Andersen, ayna ugu yeertay inuu yimaado xafiiska, kadib markii ay ku eedeysay inuu ku xad-gudbay midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wasiir Axmed Fiqi oo arrintan si adag uga hadlay ayaa xaqiijiyay in wasaaradda ay u yeertay safiirka Denmark, wuxuuna sheegay in hadallo ka dhan ah madax-banaanida dalka uu ku dhawaaqay inta uu joogay magaalada Hargeysa.

Sidoo kale wasiirka ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah safiiradii tegay Somaliland in ay qariyeen halka ay safiirka ka yihiin, taasina ay u arkaan arrin khalad ah, isagoona caddeeyay in safiiradu aanay ka aqbali doonin “in sida dal oo kale ama dowlad gaar ah ay ula macaamilaan maamulka Somaliland.”



Source link