Somaliland oo ka carootay War-murtiyeedkii kasoo baxay Waddamada G7 (Akhriso)

Posted on

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Somaliland ayaa si adag uga horyimaadeen war-murtiyeed ay soo saareen waddamada G7 ku bahoobay, kuwaa oo kahor yimid heshiiskii dhinaca badda ahaa ee galeen Somaliland iyo Itoobiya.

Wasaaradda arrimaha Dibadda Somaliland warka ay soo saartay ayey ku sheegeen in ay ka careysan yihiin hadalka kasoo yeeray wasiiradda arrimaha dibadda ee waddamada G7, oo ku aadan in Somaliland tahay gobol katirsan Soomaaliya.

“Markaba horeba waxa Xukuumadda iyo shacabka Somaliland si xoog leh uga cadhaysan yihiin luuqada uu xambaarsanaa warmurtiyeedkii ay soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee G7, kaasi oo Somaliland ku tilmaamay “inay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya. Somaliland waa qaran madaxbannaan oo leh shuruucdiisa iyo dastuurkiisa, kaasi oo lagu meelmariyay afti dadweyne oo si dimuqraadi ah u dhacday.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Somaliland.

War-saxaafadeedka Somaliland kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay layaab ku noqotay in waddamada G7 oo dimuqudaariyad sheegta in ay dayacaan xaqiiqda ka jirta Somaliland , iyagoona caddeeyay in in Qarannimada Somaliland tahay muqadas.

“Waa wax lagu dawakho in la arko dalalka G7 oo sheegta inay fulinayaan dimuqraadiyaddu ay go’aansadaan inay dayacaan xaqiiqada dimuqraadiyadda dhabta ah iyo deganaanshaha Somaliland.”in Qarannimada Somaliland ay tahay lama taabtaan aan laga gorgortami karin, waxana Xukuumadda Somaliland ay si adag u diidan tahay iskuday kasta oo lagu wiiqayo himilooyinka iyo rabitaanka nabdoon ee shacbigeeda.” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland soo saartay.

Dowladda Soomaaliya ayaana horey usoo dhaweysay war-murtiyeedkii kasoo baxay waddamada G7 oo taageero loogu muujiyay dowladda Federaalka loogana hor-yimid heshiis beenaadkii Adis Ababa ku dhax maray Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Source link