Somaliland oo eedeyn culus u jeedisay dowladda Xasan Sheekh

Posted on

Hargeysa (Wararka Maanta) – Xukuumadda Somaliland ayaa eedeyn culus u jeedisay dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay sheegtay inay ku howlan tahay falal lagu wiiqayo amniga Somaliland.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda federaalka ay dagaal kula jirto madax-banaanida Somaliland, oo ayadu u dhaqanta sidii dal madax-bannaan.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in Somaliland ay xor u tahay inay heshiisyo la gasho waddamada caalamka, uuna heshiiska Itoobiya uu muhiim u yahay iskaashiga iyo horumarka labada dhinac.

“Wax laga xumaado weeyi in maamulka Muqdisho ee Xasan Sheekh ee aan maamulin caasimadiisa inuu ku hawlan yahay falal ay ku waxyeelaynayo amniga Somaliland, isaga oo isticmaalaya maleeshiyaad maxaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Somaliland.

“Xukuumada Somaliland waa mid sharci ah oo ku dhisan mabda’a dimuquraadiga ah, wuxuuna madaxweynaha uu ku joogo cod dadweyna,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka oo lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya ay soo xuleen dad tiro yar.

Heshiiska is-afgaradka, oo ay Janaayo 1-da 2024 kala saxiixdeen ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa dhaliyay dood weyn oo heer gobol iyo mid caalami ah, taasi oo keentay in Itoobiya ay dib uga joogsato damaceeda guracan ee ay ku rabto dhul baddeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale meel-marisay qaraar ay ku diideyso heshiiska Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya, ayada oo diiday in lala fariisto madaxda Itoobiya illaa ay ka laabanayaan is-afgaradkan.



Source link