Somaliland oo dood yaab leh oo heshiiska badda u gudbisay Mareykanka

Posted on

Hargeysa (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Somaliland oo qasriga madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayey safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Richard H. Riley ayaa wuxuu u gudbiyay dood yaab leh oo la xiriirta heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

Sida ay baahisay Madaxtooyadda Somaliland, Muuse Biixi ayaa safiirka Mareykanka la wadaagay in heshiiska Itoobiya uu gaar u yahay iyaga iyo Itoobiyaanka, islamarkaana uusan wax dhibaato ah u laheyn dalal deriska iyo caalamkaba.

“Madaxweynaha waxa uu safiirka u sheegay in heshiiska uu soo kordhin doono iskaashi dhaqaale, mid amni iyo isu-socodka ganacsiga, taasina ay xoojin doonto dadaaladii hore loogu jiray horumarka gobolka,” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooyadda Somaliland kasoo saartay kulanka safiirka Mareykanka iyo madaxweyne Biixi.

Biixi ayaa meesha ka saaray dood uu sheegay inay Muqdisho iibgeynayso oo ah “in heshiiska is-afgarad ee Somaliland iyo Itoobiya uu bixinayo fursad ay kusii xoogeysato Al-Shabaab.”

“Midaasi xaqiiqo maaha, waxaanu ka leenahay marka uu hirgalo waxa xoogaysanaya iskaashiga amni. Somaliland cidkasta iskaashi iyo nabad-gelyo ayey diyaar ula tahay, waxaanay u halgamaysaa qarannimada uu u ogolyahay axdiga Afrika ee qeexaya inay dowladaha afrika ee xornimada ka qaatay isticmaarkii ay ku eekaanayaan xuduudihii isticmaarka,” ayuu yiri Biixi, sida ay baahisay Madaxtooyadda Somaliland.

Doodda Biixi oo u muuqata mid boor isku qaris ah, kana dabacsan sida Madaxtooyadda u gudbisay ayaa waxba ka goyn doonin mowqifka Mareykanka uu ka qaatay heshiiska badda, maadaama ay Washington horey u caddeysay inay aqoonsan tahay madax-banaanida, midnimada dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay ka mid tahay Somaliland.

Si kastaba, Mowduuca u weyn ee kulanka safiirka Mareykanka iyo Muuse Biixi ayaa sida la fahamsan yahay ahaa arrimaha doorashooyinka iyo khilaafaadka soo noq-noqday ee la xiriira, taasi oo loo ballansan yahay inay Somaliland ka dhacdo bisha November ee sanadkaan.



Source link