SOMALILAND oo aqoonsi cusub heshay kadib codeyn ka dhacday…

Posted on

Hargeysa (Wararka Maanta) – Maamulka Somaliland ee gooni isu-taagga ayaa haatan helay aqoonsi cusub, kadib codeyn ka dhacday magaalada Liverpool ee dalka Ingiriiska, taas oo noqotay magaaladii ugu horreysay ee dalkaasi ee ku dhowaaqda aqoonsiga Somaliland.

Golaha Deegaanka Liverpool ayaa Arbacadii sheegay in ay Somaliland u aqonsadeen “dal madax bannaan” kadib markii goluhu cod u qaaday.

Sida ay warisay warbaahinta maxalliga ah golaha ayaa marka hore ka dooday mooshinka aqoonsiga maamulka Somaliland, waxaana dood dheer kadib ay u codeeyeen in Somaliland u aqoonsadaan dal ka madaxbannaan Soomaaliya inteeda kale.

Horay waxa loo xasuustaa magaalooyinka Sheffield, Cardif City oo Wales ka tirsan in sidaan oo kale ay u aqoonsadeen Somaliland.

Qurba-joogta ugu badan ee Somaliland ayaa ku nool UK, kuwaas oo badanaa ka shaqeeya sidii ay golayaasha magaalooyinka ay joogaan uga ololayn lahaayeen Somaliland oo muddo 33 sano ah raadineyso ictiraaf.

Arrintan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah isla markaana muddooyinkii u dambeyay ay Somaliland dadaalkii ugu xooganaa gelisay aqoonsiga ay muddada dheer raadineyso oo xittaa ay bad uga bedalatay Itoobiya, sida ay horay u shaaciyeen madaxda maamulkaas.

Dhaqaajinta heshiiska ayaa weli socota, waxayna Somaliland ka dooneysaa Itoobiya aqoonsi, ayadoo shalay  ay uugu dambeysay warqadaha aqoonsiga laga guddoomay safiir ay Somaliland sheegtay inuu u fariisan doono magaalada Addis Ababa.

“Safiirka Jamuuriyada Somaliland ee dalka Itoobiya Amb. Aadan Geeddi Qayaad, ayaa u gudbiyey waraaqihiisa magacaabista (Accreditation Letter),Agaasimaha guud ee  hab maamuuska  Wasaarada arrimaha dibadda eec dawladda Federaalka Itoobiya Mudane Melaku Bedada Senbeta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Somaliland.

Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kasoo horjeedda damaca Somaliland oo halis ku ah midnimada iyo wadajira ummadda Soomaaliyeed.



Source link