Somalia oo Uganda u gudbisay dalab muhiim u ah Soomaalida kuna dhibanayeen

Posted on

Kampala (Wararka Maanta) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bilowday dadaal ay wax uga qabaneyso dhibaatada Soomaalida ku haysata dalkaas iyo sidoo kale caqabadaha ay la kulmaan kuwa u safraya.

Sii-hayaha safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda Cabdiladiif Maxamuud Cali oo kulan kula qaatay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Uganda Gen. Jeje Odongo Abubakar, ayaa hordhigay dalab muhiim ah.

Mudane Cabdiladiif ayaa wasiirka u sheegay in ay jiraan caqabado lasoo gudboonaaday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda ku nool, taas oo ay ka mid tahay in hay’adda socdaalka dalkaas ay dhowr jeer xir-xireen muwaadiniin Soomaaliyeed oo Kampala ku nool iyagoo ku sababeeyay in aanay sharci deganaasho ku joogin dalka.

Sida la ogyahayna in muddo labo sano ku dhaw waa xiran tahay xaruntii laga diiwaan gelin jiray dadka qaxootiga soo galootiga ah, iyadoo kaarka qaxootiga qofka haystaa uu la mid yahay isagoo sharci deganaasho leh oo kale, Soomaalida badankeeda ayaa ku jooga dalka Uganda aqoonsiga qaxootiga, sidaas darteed sii-hayaha ayaa codsaday in arrintaas wax laga qabto.

Arrinta labaad ee uu sii-hayaha safaaradda ka hadlay ayaa ahaa in hay’adaha waxbarashada dalka Uganda looga baahan yahay inay dhaqan-geliyaan Barotokoolada wadamada ururka dhaqaalaha iyo iskaashiga dalalka Bariga Afrika (EAC) ee khuseeya arrimaha waxbarashada si ardayda Soomaaliyeed u helaan xuquuq la mid ah ardayda ee dalalka Bariga Afrika.

Sidoo kale Sii-hayaha ayaa wasiirka ka codsaday in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee imanaya dalkan Uganda ay dalkugal-ka (Visas) ka qaataan airport-ka iyo xuduudaha dalka markay soo gaaraan oo laga dhaafo dalabka Visa-ha si loo fududeeyo isu socodka dadka labada dal.

Ugu dambeyntii sii-haye Cabdiladiif Maxamuud ayaa wasiirka u sheegay in ay diyaar u yihiin fulinta heshiisyadii labada Wasaaradood ay horay u gaareen ee xagga tababarada diblumaasiyiinta iyo karti dhiska shaqaalaha, taas oo qeyb ka ahayd isfahmkii (MoU) horay ay u kala saxiixdeen labada dal.

Sidoo kalena wuxuu sii-hayuhu la socodsiiyay wasiirka in shirka guddiyada wadajirka ah ee labada dal (Joint Permanent Commission) wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee DFS ay qaban-qaabadiisa waddo laguna qaban doono magaalada Muqdisho bisha Oktoobar ee nagu soo aadan 2024.

Dhankiisa Wasiir Gen. Jeje Odongo Abubakar, ayaa sheegay in labada arrin ee kala ah Visa la’aanta iyo arrinka ah in ardayda Soomaaliyeed loola tacaamulo sida kuwa ka yimaada wadamada ururka dhaqaalaha iyo iskaashiga Bariga Afrika ay tahay laba arrimood oo ay xaq u leeyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale balan-qaaday in la fulin doono isfahamyadii horey ay u kala saxiixdeen labada wasaaradood oo ay ku jirto iswaydaarsiga khibradaha iyo tababarada diblomaasiyadeed ee shaqaalaha arrimaha dibadda labada dal, dhawaanna ay soo saari doonaan qorshaha fulinta barnaamijkaan.



Source link