Siyaasaddu meel kasto ayay gashaa

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta)  – Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka General Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobbe) oo dhinaca kale ah ninka ugu darajo sareeyo saraakiisha ciidanka Soomaaliyeed ayaa soo jawaabay, kadib markii hadal-heyn xoogan ay ka dhalatay xilka cusub ee loo magacaabay.

Bashiir Goobe oo warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in wasaaraddan oo magac kale leh uu horay uga soo shaqeeyay, isla markaana uu hadda gartay inuu usii adeego qarankiisa.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay siyaasaddu aysan lahayn ujeedo gaar ah, balse ay kula galeyso meel kasto, muhiimadduna ay tahay inaad u adeegto qarankaaga.

“Siyaasaddu meel kasto ayay gashaa qofkii taariikhda siyaasadda Soomaaliya xasuusto wasaaraddan oo magac kale leh horaan uga soo shaqeeyay, meel kasto oo uu qaranka kaaga baahan yahay iyo howl kasta oo markaas lagaaga baahan yahay ayaa soo qabaneysaa” ayuu yiri Generaal Bashiir Goobe.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Qarankan intaan usoo shaqeynayay waxaan soo qabtay xafiisyo badan oo kala duwan oo qiimo badan, haddaba waxaan ka imid wasaaradda howlaha guud ee kama imaan wasaaradda difaaca ama amniga” ayuu kusii daray.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay sharciga naafada qaranka oo ay maanta meel-mariyeen xildhibaannada Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu muhiim yahay dalka.

“Waan ku faraxsanahay wasaaraddan inta aan imid oo aan todobaad gaarin in aan nasiib u yeesho sharcigii naafada qaranka Soomaaliyeed in manta la ansiyxo, waxaan aad uga mahadcelinayaa madaxdii horay wasaaraddan u joogtay ee kazoo shaqeysay sharcigan”

Sidoo kale wuxuu baarlamaanka ku amaanay shaqada ay ka qabteen sharcigan oo ay ugu dambeyn maanta go’aamiyeen in la meel mariyo

“Waxaan aad iyo aad ugu mahadceliyay xildhibaannnada baarlamaanka oo iyaguna howl wayn kasoo gutay sharcigan” ayuu mar kale yiri.

Jawaabta Bashiir Goobe ayaa kusoo aadayeyso, ayada oo falcelin xoogan ay ka dhalatay xilka loo magacaabay, waxaana sidoo kale cabasho ka keenay haweenka Soomaaliyeed, kuwaas oo warqad cabasho ah u gudbiyay ra’iisul wasaaraha Xamza Cabdi Barre.



Source link