Sirdoonka S/Land oo shaaciyay inuu qabtay rag ka tirsan NISA oo howlgal ka fulinayay…

Posted on

Boorama (Wararka Maanta) – Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa sheegtay inay qabatay xubno ka tirsan hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA.

Xubnahan oo laba ah ayuu sheegay sirdoonka Somaliland in falal qorshaysan loogu talo-galay inay ka fuliyaan magaalada Boorama ee gobolka Awdal, kuwaasi oo Muqdisho laga soo direy.

Qoraal kooban oo kasoo baxay hay’adda sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa waxaa lagu yiri “NIA waxa ay gacanta ku dhigtay koox ka tirsan NISA oo howl-gallo looga soo diray Muqdisho ku saabsan inay qas ka abuuraan Somaliland iyo dilal qorshaysan gaar ahaan Boorama.”

Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalkan oo lasoo dhigay barta X (ex-Twitter), “Laba ka mid ah xubnahaas waa la xiray, halka lix kalena lagu dabo jiro.”

Sirdoonka Somaliland ayaa ku daba jira xubno kale oo ka tirsan hay’adda NISA oo howl-gallo loogu soo direy Somaliland, kuwaas oo qeyb ah ka ah xubnaha la qabtay, sida ay sheegtay NIA.

Sirdoonka Somaliland ayaa sidoo kale farriin u direy bulshada reer Somaliland, “ciidanka sirdoonka Somaliland waxay ku baaqayaan haddii falal iyo ashqaas laga shakiyo in lagu soo wargeliyo.”

Hay’adda sirdoonka Somaliland ayaa bilihii u dambeeyay soo xirtay kooxo iyo dad lagu eedeeyay inay qorshaynayeen falal lidi ku ah amniga ay ku naalooto Somaliland, kuwaas oo ay qeyb ka ahaayeen ajaanib.



Source link