Sirdoonka Israel oo xiray nin Yuhuud ah oo Somalia u soo aadi rabay arrin yaab leh

Posted on




Sirdoonka Israa’iil ayaa sheegay inay xireen nin dhallinyaro Israa’iili ah oo deggan magaalo ku dhow Haifa, kaaso isku diyaarinayay inuu u safro Soomaaliya.

Booliska ayaa sheegay in ninkan Soomaaliya u soo aadi rabay si uu ugu biiro kooxda Daacishta Soomaaliya, weerarrana uga geysto gudaha Israa’iil iyo caalamka.

Ninkan oo 17 jir ah ayaa la sheegay inuu diyaariyay qorshaha uu ku tagi laha Soomaaliya, kuwaasoo ay ku jiraan qorista dardaaran, aruurin dhaqaale, qaadashada baasaboor ajnabi ah, iyo inuu xiriir la sameeyo  Daacish isagoo adeegsanaya internetka, sida ay maanta sheegtay Hay’adaha ammaanka Israa’iil ee ShinBet.

Iyadoo arrintan ay soo shaac baxayso maalmo kaddib markii saraakiil Mareykan ah laga soo xigtay in madaxa Daacishta Soomaaliya uu noqday hoggaamiyaha ugu sarreeya ee kooxda Daacish.

 




Source link