Sidee looga falceliyay geerida Ismaaciil Haniyah?

Posted on




Tehran (Wararka Maanta) – Waxaan hadda soo baxaya falcelinno kala duwan oo ka imaanaya dalal uu ka mid yahay Ruushka, kadib dilkii caasimada Iran loogu gaystay hoggaamiyihii Ururka Xamaas Ismaacil Haniyah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa dilka Haniyah ku tilmaantay “dil siyaasadeed oo aan gebi ahaanba la aqbali karin”, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee Ria.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee dalkaas, Mikhail Bogdanov, ayaa sheegay in dhimashada hoggaamiyaha Xamaas “ay horseedi doonto xiisad hor leh”.

Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa sidoo kale cambaareysay wax ay ku tilmaamay “dilka ceebta ah ee ka dhacay Tehraan”, iyadoo bayaan ay soo saartay oo lagu baahiyay wakaaladda wararka ee Reuters ku sheegtay “in dilka looga gol leeyahay in lagu faafiyo dagaalka Qasa laguna gaarsiiyo heer gobol”.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas wuxuu dhankiisa ku tilmaamay dilka Ismaaciil Haniyah fal “fuleynimo ah oo halis ah”.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay Falastiiniyiinta “inay midoobaan, oo ay is dejiyaan una adkeystaan ​​wejiyada gumeysiga Israa’iil” sida lagu sheegay bayaan ay baahisay wakaalada wararka ee Wafa.

Dilka hogaamiyihii ugu muhiimsanaa Xamaas Ismaaciil Haniyah ayaa gobolka qarka u saaraya dagaal loo dhan yahay si ka duwan sidii hore, sida uu BBC-da u sheegay Nader Hashemi oo ah barafasoor daraasaadka bariga dhexe ka dhiga jaamacada Georgetown.

“Tani waa arrin weyn,” ayuu yiri. “Waxaan u maleynayaa inay sidoo kale saameynayso xiisadda Lubnaan sababtoo ah dhowr saacadood ka hor Israa’iil waxay isku dayday inay disho hoggaamiye sare oo ka tirsan Xisbullaah oo ku sugan Koonfurta Beyruut, .

Wuxuu sheegay in markii hore malo-awaalku ahaa ahaa in Iran iyo Xisbullah aysan daneyneynin xiisadda sii sii kordhaysa.”Laakiin dilka Haniyah ayaa kor u qaaday xisaabaadkaas”, ayuu raaciyay hadalkiisa.

Dowladda Iran ayaa hadda u muuqata in ay haysto tallaabo kasta oo ay sare ugu qaadi karto khilaafka kaatan gobolka.










Source link