Sidee Cali Guudlaawe loogu soo dhoweeyey degaanka Qod-Qod? (Sawirro)

Posted on



Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si diirran maanta loogu soo dhaweeyay deegaanka Qod-Qod ee hoostaga degmada Matabaan.

Madaxda iyo Shacabka deegaanka ayaan bannaanka Qod-Qod waxa ay kaga hortageen wafdiga uu hoggaaminayay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle.

Masuuliyiinta deegaanka iyo shacabka Qod-Qod ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin imaanshaha Madaxweyne Cali Guudlaawe iyagoo xusay inuu yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee booqda Qod-Qod.

“Waan ka mahadcelinayaa soo dhaweynta, fardaha la i guddoonsiiyay iyo hadimo-sharafeedka loo sameeyay wafdiga aan hoggaaminayay. Dowladda Hirshabeelle si dhab ah ayay idin kugu hiillin-doonta haddii uu Alle idmo.” ayuu yiri Cali Guudlaawe

Ugu dambeyn mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa kula dardaarmay shacabka Qod-Qod inay sii xoojiyaan biseylkooda Dowladnimada.

default

default

– Advertisement –




Source link