Sidee ayuu NISA ugu soo gacan galay horjoogihii ay muddo ku raadjoogtay?

Posted on




Dhuusamareeb (Wararka Maanta) – Howl-gal qorshaysan oo ciidamada ammaanka ka fuliyeen gobolka Galgaduud ayaa lagu qabtay Horjooge Idiris Maxamed Sheekh.

Ninkan oo si weyn ugu raadjoogtay hay’adda NISA ayaa hadda ahaa horjoogaha kooxda Al-Shabaab lacagaha baadda ay ugu yeeraan Sakada ee gobolka Galgaduud.

Horjooge Idiris ayaa sidoo kale horay u soo noqday horjoogaha Al-Shabaab ee gobalka Shabeellaha Dhexe, kahor inta aanan kooxda laga xorreyn Guud ahaan Gobalkaas.

Sidoo kale wuxuu ninkaan kasoo howl-galay gobolada Baay iyo Bakool, wuxuuna kamid ahaa shaqsiyaadka ugu dhow Horjoogaha kooxda Al-Shabaab ee Axmed Diiriye

Hay’adaha amniga ee dowladda waxaa ka go’an in ay sharciga horkeenaan danbiilayasha kooxda ah ee ku hawlan waxyeelaynta Shacabka Soomaaliyeed.

Horjoogahan oo muddo ay ku raadjoogtay hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA ayaa ugu dambeyn lagu wareejiyay, ayada oo baaris ku bilaabeysa ninkaan.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa markale dardar cusub ku socda, xilli uu heer geba-gebo ah marayo wejiga hore ee dagaalka, uuna dhawaan bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka oo ka xoog badnaan doona ka hore.










Source link