Sida ay Shabaab ku helaan gaadiidka ay qaraxyada u adeegsadaan iyo khatar weyn oo jirta

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Kooxda Al-Shabaab sidee ayey ku heshaa gaadiidka ay ku soo raraan qaraxyada ee dadka badan ay ku laayaan, xog uruurin la sameeyey ayaa lagu ogaaday sida uu kooxda ku soo galo gaadiidkaas.

Al-Shabaab waxay qaraxyada ku soo raraan gaadiidka raaxada ee inta badan aan laga shakin, inkastoo hadda la yareeyey qaraxyada, hadana dad badan ayey ku laayeen.

Sida ay ogaatay Wararka Maanta, kooxda Al-Shabaab ayaa dhacda inta badan gaadiidka ay ku soo xirayaan qaraxyada, iyagoo marka hore xira qofka ay doonayaan inay gaarigiisa ku soo raraan qarax.

Inta qofkaasi u xiran yahay waxay qarax ku soo raraan gaarigiisa, markii dad badan lagu halaago kadib ayay xabsiga ka soo daayaan qofka, mararka qaar dowladda ayaa hesha xogta gaariga qarxay, wuxuuna raadku ku soo dhamaadaa in Shabaab dhaceen gaariga oo ay qarxiyeen qofkii lahaa oo iyaga u xiran.

Muwaadiniin badan ayaa la adeegsaday gaadiidkooda, kuwaas oo loo awood sheegtay, kooxda ayaa qofkii ay gaarigiisa ka dhacaan ugu hanjabta dil, waxaa Al-Shabaab ku adkaatay inay soo iibsadaan gaadiid ay qaraxyada ku soo raraan, maadaama la adkeeyey shuruudaha lagu iibsado gaadiidka.

Booliska Soomaaliya ayaa toddobaadyo ka hor milkiilayaasha gaadiidka ku wargeliyey in hadii laga dhaco gaadiidkooda ay ku soo wargeliyaan dowladda, si looga hortago khatarta ka dhalan karta.

Weerarkii ka dhacay Hotel SYL oo ku dhex yaalla Madaxtooyada waxay dowladda Soomaaliya xaqiijisay in gaadiidkii loo adeegsaday mid kamid ah laga dhacay qofkii lahaa, isla markaana hadda la hayo diiwaanka gaadiid badan oo ku maqan gacanta Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa inta badan ka dhaca dadka shacabka ah iyo ganacsatada ay u yeeraan ee ugu tagta dhulka howdka ah, balse waxaa ku adag inay soo geliyaan gudaha magaalada Muqdisho, maadaama amniga la adkeeyey oo gaari kasta lagu baaro bar control kasta oo ciidan joogo.



Source link