Shirkad uu qeyb ka yahay safiir Soomaaliyeed oo lacag ku haysata safaarada Soomaaliya ee Kenya

Posted on

Nairobi (Wararka Maanta) – Shirkad ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed ayaa dacweysay, kana guuleysatay safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, balse Wararka Maanta waxay ogaatay arrin yaab leh oo la xiriirta kiiskan.

Shirkadda dacweysay safaaradda waxay dayac-tir sameysay, sida ay sheegtay, safaaradda intii uu joogay safiirkii hore Maxamuud Tarsan, balse hadda waxay sheegatay lacag dhan 25 Milyan oo shilanka Kenya ah, una dhiganta $193,000 (Boqol sagaashan iyo saddex kun) oo doolarka Mareykanka ah.

Maxkamadda ayaa safaaradda Soomaaliya ee Kenya ku xukuntay inay bixiso lacagtaas, halka safaaraddu ay weli ku doodeyso in la bixiyey lacagtii lagu dhisay dhulka ay safaaraddu ka degan tahay Nairobi.

Wararka Maanta waxay heshay xogta dhinacyo kale oo ku lug-yeeshay kiiskaan, ayada oo wararka qaar ay sheegayaan in dayac-tirka lagu sameeyey guri uu Kenya ku leeyahay safiirkii hore ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), balse dusha laga saaray safaaradda

Sanadkii 2022 ayaa lacagtaan lagu soo dalacay safaaradda, maadaama uu xiligaas safiir ka ahaa Tarsan, wuxuu ku guuleystay in deyntaas uu uga tago, halka qolada iska leh shirkadda dhismaha fulisay ay ku adkeysatay in lacagtaas ay ku leeyihiin safaaradda.

Kiiskaan ayaa cagaha la galay safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga oo lagu magacaabo Fatxudiin Cali Osbito, kaasi oo la sheegay inuu wax ka leeyahay shirkadda dacweysay safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, kuna sheegatay lacag dhan 25 Milyan oo shilinka Kenya ah, kuna dhow $200,000.

Waxay noqotay arrin yaab leh in safiir Soomaaliya, Fatxudiin Cali Osbito oo dowladda Soomaaliya ay u magacowday safiirka Soomaaliya u jooga Ankara, uu ku lug yeesho dacwad ka dhan ah dowladdiisa, ayada oo haddii ay sida wax u jiraan sax tahay uu dowladda mari karay.

Safaaradda ayaa ku adkeysatay in lacagtaas aan lagu laheyn, maadaama la hayo cadeymaha in dowladda Soomaaliya bixisay kharashkii lagu dhisay safaaradda, sida Wararka Maanta ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.



Source link