Shiinaha oo si weyn uga carooday wafdi Somaliland u dirtay Caleemo saar ka dhacay…

Posted on

Maamulka Somaliland ayaa wafdi u diray ka qeyb galka caleemo saarka hoggaamiyaha cusub ee maamulka Taiwan, kaas oo dhacay 20-kii bishii hore ee May,waxaana tallaabadan Somaliland qaaday ka carooday dowladda Shiinaha.

Dowladda Shiinaha ayaana Taiwan u aqoonsan maamul goboleed katirsan dal weynaha Shiinaha, halka maamulka Taiwan dhankooda sheegtaan in ay yihiin dal madax-bannaan, balse ma heestaan aqoonsiga caalamka .

Afhayeen u hadlay safaarada Shiinaha ku leedahay Soomaaliya ayaa sheegay in maamulka Somaliland u aqoonsan yihiin maamul katirsan Soomaaliya, waxa uuna meesha ka saaray sheegashada in ay yihiin dal madax-bannaan.

“Shiinaha uma arko Somaliland dal, wuxuuna raacsan yahay xaqiiqada aas-aasiga ah ee ah in Somaliland ay ka tirsan tahay dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay afhayeenka in Taiwan sidoo kale tahay dhul katirsan dalka Shiinaha, waxa uuna xusay in waddamada caalamka intooda badan ay ogyihiin in Taiwan tahay dhul katirsan Shiinaha aysana aheyn dowlad.

Maamulada Somaliland iyo Taiwan oo labaduba doonaya in ay ka go’aan Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa leh xiriir dhaw, waxaana labada dhinac marar kala duwan tagay wafuud labada maamul kala matalayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link