SHIINAHA oo madaxda Afrika ku qancinaya qorshe faa’iido weyn u leh dalkiisa

Posted on

Beijing (Wararka Maanta) – Waxaa magaalada Beijing ee caasimadda Shiinaha ka dhacaya shir madaxeedka Shiinaha iyo dalalka Afrika, kaas oo la filayo in lasoo gaba-gabeeyo lixda bishaan September.

Madaxweyne Xi Jinping ayaa la filayaa in uu isku dayo in madaxda Afrika uu ku qanciyo in ay Shiinaha ka iibsadaan alaabo badan.

Qorshahan ayuu Shiinaha rabaa in Afrika uga iibiyo wax soo saarkiisa, sida baabuur korontada ku shaqeysa ee Shiinaha, iyo alaabaha kale ee tiknoolojiyadda ee uu Shiinaha soo saaro.

Tan ayaa Shiinaha u horseedi karta faa’iido aan caadi aheyn, xilli uu dhaqaale badan ku bixiyo dalalka Afrika, oo ku loolamaan dalal ay kamid yihiin Mareykanka.

Dhinaca kale, madaxda Afrika ayaa iyaguna la rajeynayaa in ay shirka la tagaan qorshayaal ay Shiinaha uga dalba doonaan maalgashigiisa Africa iyo in uu iibsado wax soo saarka qaaradda Africa.

Shirka Shiinaha iyo Afrika ayaa waxaa diirada lagu saari doona iskaashi dhinaca tiknoolajiyaddii, iyada oo Shiinaha uu ka qeyb ka qaatay dhismaha kaabayaasha dijitaalka ee Afrika, wuxuuna kalkaan daneynaya sidii isbeddel cusub qaarada Afrika ugu sameyn lahaa gaar ahaan dhinaca dijitaalka.

Si kastaba, Qaaradda Afrika ayaa waxaa si weyn ugu loolamayaa quwadaha ugu dhaqaalaha badan dunida oo Shiinaha kamid yahay, waxaana loo arkaa shirkaan mid muhiim u ah iskaashiga Afrika iyo Shiinaha.



Source link