Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka faallooday shidaal qodista Soomaaliya ee loo dhaqaaqayo, maadaama dowladda federaalka oo kaashaneysa Turkiga ay sameynayaan shidaal baaris.
Ugu horreyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa si weyn u soo dhaweeyay in laga faa’iideysto khayraadka dalka oo uu ugu horreeyo lasoo bixidda shidaalka, waxaase uu sheegay inay ku hor gudban yihiin caqabado waa wayn oo u baahan in xal loo helo.
Siyaasigan oo warbixintiisa ciwaan uga dhigay “Horumar mise hoog?” ayaa ku taliyay in laga fiirsado tallaabo kasta oo la qaadayo, gaar ahaan musuq-maasuq iyo ku takrifal awoodeed, wuxuuna sheegay haddii aan laga dheeraan uu shidaalka dalkeena u horseedayo dhibaato horleh, isaga oo tusaale usoo qaatay dalalka Venezuela, Nigeria, Libya, South Sudan, Sudan iyo kuwo kale.
Hoos ka akhriso warbixinta oo dhammeystiran:-
Waa tillaabo boggaadin mudan in aan khayraadka dalkeenna la soo baxno. Tobban sano ayaa laga joogaa markii la sameeyey sahankii 1-aad ee dalka laga billaabay sanadkii 2014, taas waxaa lagu ogaaday in Badeenna shidaal ku jiro.
Markabka Oruc Reis ee Turkiga wuxuu samayn doonaa sahanka 3D ee la xariira halka ugu habboon ee ceelka laga daloolin karo iyo qiyaaska xaddiga shidaal ee ku jira, wuxuuna qaadanaya sanad iyo ka badan, weli waa sahmin ee ma aha qoditaan.
Ceel la qodaahi waxay u baahan tahay in la geliyo maalgashi adduun oo lagu qiyaaso in uu kor u dhaafayo bilyan iyo dheeraad lacag ah, taasoo inta badan ay sameeyaan toddobada shirkad ee dunida ugu waawayn, waxayna u badan tahay in Turkigu shirkadahaas heshiis la galo, sababtoo ah iyaga ayaa halista faa’iidada iyo khasaaraha u bareeri kara haddii ay ku qancaan in ay maalgashiga sameeyaan.
Horumar mise hoog?
Dhanka kale, waxaa jirta dood soo jireen ah oo oranaysa shidaalku horumar miyuu keenaa mise hoog? (Is the discovery of oil a curse or a blessing)
Waxaa sidaas loo leeyahay waa in la arkay dalal ay ka mid yihiin Venezuela, Nigeria, Libya, South Sudan, Sudan iyo kuwo kale oo shidaal la soo baxay, laakiin uu dhibaato u horseeday, cuuryaamiyeyna wax soosaarkii kale ee dalka, colaad iyo sadbursina horseeday.
Waxa kale oo iyana jira dalal ka faa’iiday oo ay u badan yihiin dalalka Khaliijka, laakiin uu ku riday cudurka ku tiirsanaan iyo in ay wax soo saar kale yeelan waayeen, waxaa iyana jira dalal ka faa’iiday, wax saamayn taban ahna uusan ku yeelan wax soosaarkii kale ee dalka sida Norway, Maraykan, Ingiriis, iyo kuwa kale oo badan.
Muhiimaddu waxay tahay waddan in uu faqriga iyo dib-u-dhaca ka baxo kuma xirna in uu shidaalka la soo baxo ee waxay ku xiran tahay hadba sida uu nidaamka dalku u yahay mid ka fog eex, musuq, qaraabokiil iyo ku takrifal awoodda iyo hantida ummadda, dadkiisuna u siman yahay awoodda, dakhliga iyo khayraadka dalka, madaxdiisuna yihiin kuwo aamin ah oo sida ugu habboon u maareyn kara dakhliga shidaalka laga helo.
Haddiise ay yihiin kuwo abuurka dubta ama ubadka caanahooda caba, shacabka kuma qancin karaan in ay ka fishaan in ay dalagga beertaan ama caanaha qoyska ka ammaan helayaan. Shidaalku markaas wuxuu keenaa hoog ee ma aha horumar.