Sheekh soo bandhigay 3 sifo oo cajiib ah oo Masar ay la wadaagto Soomaaliya

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Sheekh Cali Wajiis oo kamid ah culimada ugu waaweyn Soomaaliya ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku amaanay go’aanka uu qaatay markii ay Itoobiya ku soo xadgudubtay qaranimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

Sheekh Cali ayaa sheegay in Masar ay tahay dalkii ugu haboonaa ee cadowga Itoobiya ay Soomaalidu u kaashan laheyd, isagoo soo bandhigay seddax sifo oo Soomaaliya iyo Masar ay ka mideysan yihiin.

“Masar waa dal Islaam ah oo Carab ah oo Afrikan ah, saddexdaas sifo waan wadaagna, markii muslimiintu hiil isaga baahatana waa isisiiyaan, waxaana na fareysa diinteena Islaamka, marka Masar waa dalkii ugu haboonaa oo na garab istaagi lahaa,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sidoo kale Sheeqa ayaa sheegay in dalka labaad ee Soomaaliya ugu dhow uu yahay Turkiga oo isna islaam ah, isagoo taasi ju macneeyey in Soomaaliya ay ku socoto jidkii toosnaa oo xaqeeda ay ku difaaca laheyd.

“Nabigeena CSW ayaa ka dardaarmay in muslimintu ay isku gurmadaan markii culeys soo wajaho, sidaan ognahay Itoobiya waa gaalo in markii ay nagu soo duusho aan islaamka garab ka raadino waa banaantahay,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Shiiqa ayaa sheegay in Itoobiya ay bilowday inay u cagajugleyso Soomaaliya oo ah wadan islaam ah, sidoo kale wuxuu sheegay in Masar ay waligeed saameyn ku laheyd arrimaha ka socda Geeska Afrika.

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in dagaalka Soomaalida iyo Itoobiyaanka uu soo bilowday sanadihii 1910-kii, wuxuuna sheegay in Itoobiyaanku ay ku jebi jireen dagaalada ay la galaan Soomaalida.

Sidoo kale Masar ayuu ku tilmaamay wadan waligiis garabtaagnaa qadiyadaha Soomaaliya, isagoo tusaale u soo qaatay dagaalo adag oo labad dal u dhaxeeyey oo Masaaridu ay ku garab siiyeen Soomaalida.

Hoos ka daawo



Source link