Sheekh Shariif oo soo gabagabeeyey qorshe culus oo sanad ka hor uu bilaabay

Posted on




Cadale (Wararka Maanta) – Waxaa deegaanka Burka Derin ee degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu soo gabagabeeyay gogosha nabadeed ee deegaankaas la dhigay sanad ka hor.

Gogoshaas ayaa lagu heshiisiinayay beelo walaalo ah oo horay ugu dagaalamay aagga degmada Cadale ee gobolka Sh/Dhexe.

Gogoshaan Nabadeed oo uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed oo ay wehliyeen duubabka Dhaqanka Mudullood.

Waxaa halkaan la fadhiyey in ka badan hal sano, waxaana go’aan looga gaaray colaada labada beelood ee lagu dhex dhigay heshiis rasmi ah.

Gabagabadii gogoshaan waxaa lagu gowracay suman iyo sumeyn oo loogu magac daray Axdi iyo Duco.

Sheekh Shariif iyo waxgaradka Mudullood ayaa ku balamay in la xoojiyo heshiiskaas oo uu dhaqan galo.

Sheekh Shariif ayaa kulankii ugu dambeeyey ee gogoshaas lagu soo xiray ka sheegay in caloodii dadka badan lagu dilay ee deegaanadaas ka jirtay loo xiray ku dhowaad 100 oday dhaqameed.

Odayaasha la xiray ayaa loo heystaa rag dhowr jeer fashiliyey heshiisyo la gaaray oo dilal geystay, kuwaas oo laga doonayo inay soo qabtaan, maadaama ay dhaqan ahaan u metelaan.










Source link