Sheekh Aadan Madoobe oo looga yeeray Imaaraadka Carabta + Sawirro

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta u baxay safar dibadeed, isaga oo ay wehlinayaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa looga yeeray dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo casuumaad ka helay dhiggiisa dalka, sida lagu shegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa u ambabaxay wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaasi” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka,

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Safarka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) waxaa ku wehliya guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaannada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacadda Carabta”

Aadan Madoobe ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaaday doono madaxda sare ee Imaaraadka, isaga oo kala hadli doono xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha soo kordhay.

Sidoo kale guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa inta uu joogo Imaaraadka Carabta waxa uu madaxda dalkaasi, kala hadli doono xoojinta xiriirka labada dal.

Safarka Aadan Madoobe wuxuu kusoo aadayaa, xilli ay taagan tahy xiisad siyaasadeed oo xoogleh, kadib markii uu sii kordhay khilaafka ka jira gudaha dalka.

Si kastaba, Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee saameynta ku leh arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale taageeraa dowladda federaalka.

 



Source link