Shariif oo war culus kasoo saaray xariga Calinuur oo eedeyn yaableh kusoo xirtay DF

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay xariga Cali Nuur Salaad, kaas oo dowladda ay sheegtay inay usoo xirtay eedeynta falal iskugu jira anshax-daro, been-abuur iyo aflagaado ciidanka.

Shariif ayaa xariga Cali Nuur ku tilmaamay mid ka hor imaanaya xuquuqul Insaanka, muujinayana sida dowladda Xasan Sheekh ay uga go’an tahay inay aamusiiso warbaahinta madaxa-banaan iyo saxafiiyiinta, si ay u qariyaan xaqiiqada dhabta ah ee dalka ka jirta.

Dowladda ayuu ugu baaqay inay sida ugu dhaqsaha badan usii deyso Cali Nuur Salaad, oo soo noqday agaasimihii warfaafinta ee xafiiska ra’iisul wasaaraha xilligii Xasan Cali Kheyre, sidoo kale hadda la shaqeynayay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qoraalka

Waxaan si adag ah u cambaareynayaa xarigga wariye Cali Nuur Salaad, oo ah suxufi madax bannaan oo u adeega Shacabka Soomaaliyeed, kana hadla dhacdooyinka maalinlaha ah ee ka dhaca gudaha dalka.

Caburinta saxaafaddu waxay kasoo horjeeddaa Dastuurka Dalka iyo xeerarka caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha.

Xariggaan wuxuu caddeynayaa sida nidaamka hadda jira ee uga go’an tahay in la aamusiiyo warbaahinta madaxa bannaan, lana cabsi geliyo suxufiyiinta si ay dadka looga daboolo xaqiiqooyinka dhabta ah ee dalka ka dhacaaya sida musuqmaasuqa iyo ku takrifalka awoodda dowladda.

Waxaan ugu baaqeyaa in Dowladdu ay ixtiraamto xorriyadda hadalka, si degdeg ahna usoo dayso wariye Cali Nuur Salaad.



Source link