Shaqo joojin lagu sameeyey madixii ciyaaraha fudud ee Somalia oo Paris u jooga shaqo xasaasi ah

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Gudiga fulinta ee ciyaaraha fudud ayaa kulan ay yeesheen waxaa ka soo baxday in shaqo joojin lagu sameeyo guddoomiyihii ciyaaraha fudud ee Soomaaliya Faarax Cali Macalin.

Guddoomiye Faarax oo hadda howlo shaqo u jooga dalka Faransiiska  gaar ahaan caasimaddiisa Paris, ayaa shaqada laga joojiyey kadib markii ay arrintiisa ka fariisteen xubno guddi ah.

Faarax Cali Macallin oo ku sugan Paris ayaa u waramay idaacadda VOA, wuxuuna kq jawaabay xil ka qaadista lagu sameeyey, sidoo kale wuxuu faahfaahin ka bixiyey  sida ay howlaha ciyaaraha Olombikadu uga socdaan magaalada Paris iyo ka qeybgalka Soomaaliya ee ciyaarahaasi.

Guddoomiye Faarax ayaa sheegay in isagoo shaqo ku maqan ay inqilaabeen xubno ka tirsan guddiga, balse wuxuu ku dooday in sharciga ay ku shaqeeyaan uusan dhigeyn sida ay wax u dhaceen, isagoo tallaabadii shaqada looga joojiyey ku tilmaamay dhabarjebin ku tahay dadaalka Soomaaliya ay ku bixineyso inay natiijo ka gaarto ciyaaraha Olonbikada ee Paris ka socda.

Mustaf Cabdicasiis Maxamed ayaa laga dhigay sii hayaha guddoomiyaha xiriirka ciyaaraha fudud oo sidoo kalena ah ku xigeenka guddoomiyaha guddiga.

Xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya ayaa ciyaartoy u diray magaalada Paris ee dalka Faransiiska, halkaas waxay uga qeyb gelayaan ciyaaraha caalami ah ee Olombikada, ku simaha guddoomiyaha ayaa la weydiiyey sida lagu soo xulay ciyaartoydaan iyo howlaha horyaalla.

Guddoomiyaha shaqada laga jooyey ee Faarax Cali Macalin ayaa hogaaminaya ciyaartooyda Soomaaliya ee ka qeybgaleysa ciyaaraha Olombikada ee Paris ka dhacaya.

Hoos ka dhageyso wareysigiisa




Source link