Shaqadii barlamaanka Soomaaliya oo istaagtay + Sababta

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Waxaa gebi ahaan hakad-galay kulamadii Golaha Shacabka Soomaaliya, sababo la xiriira xiisadda hareysay baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee ka dhalatay kala aragti duwanaashaha xildhibaannada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in uu baaqday kulankii maanta ee Golaha, iyada oo ilaa haatan aanay jirin faah-faahin kasoo baxday guddoonka sare ee baarlamaanka.

Kulankan waxaa ka horreeyay fadhiyo kale oo baaqday todoobaadkii hore, waxayna dhammaan dib u dhacydaan muujinayaan inay istaagtay shaqadii baarlamaanka.

Sababta ugu wayn waa muranka ka dhashay arrinta Itoobiya gaar ahaan joogitaanka ciidamadeed oo laga taageeray Koonfur Galbeed, xildhibaannada kasoo jeedana ay la dareen noqdeen dadkooda, ayna soo dhaweeyeen Itoobiya.

Xaaladda ayaa isku rogtay is qab-qabsi iyo in mooshin laga diyaariyo xildhibaannada taageeray Itoobiya, balse waxaa arrinta soo farogeliyay guddoonka sare oo shaaciyay in xa laga gaaray kala aragti duwanaashihii xildhibaannada, kadib kulan ka dhacay xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Marka laga tego baaqashada kulanka maanta ee baarlamaanka, haddane waxaa jira go’aan culus oo kasoo baxay guddoonka oo warbaahinta looga mamnuucay inay waraysiyo iyo shirar jaraa’id xildhibaannada uga duubaan gudaha iyo bannaanka xarunta Villa Hargeysa.

Amarkan ayaa toos loola wadaagay warbaahinta, gaar ahaan wariyeyaasha soo tabiyay wararka la xiriira baarlamaanka iyo doodaha xasaasiga ah ee ka jira, waxaana go’aankan si toos ah u saameynayaa shaqada warbaahinta madaxa bannaan ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu isla go’aankan uu saameynayaa xildhibaannada qudhooda oo farriimahooda kusoo gudbin jiray shirarka ay ku qabtaan xarunta baarlamaanka, maadaama maanta kadib la mamnuucay.

Shirarka jaraa’id waxaa badanaa qabanayay xildhibaannada mucaaradka ku ah dowladda kuwaas oo  dhaliilo culus u jeedinayay madaxda ugu sarraysa dalka.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa arrintan, balse waxaa lala xiriirinayaa xiisadda ka dhalatay hadalladii dhowaan kasoo yeeray xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee taageeray Itoobiya, kadib shir jaraa’id oo ay ku qabeen bannaanka xarunta Golaha Shacabka, taas oo dhalisay caro xoogan.



Source link