Senator MARYAN oo dood culus ka keentay xilka loo magacaabay Bashiir Goobe

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Senator Maryan Faarax Kaahiye oo kamid ah gabdhaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dood adag ka keentay xilka loo magacaabay General Bashiir Goobe oo loo dhiibay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka oo ay horay u lahaayeen haweenka Soomaaliyeed.

Senator Maryan ayaa sheegtay in meesha ay ka baxday xuquuqdii haweenka, kadib tallaabadii uu shalay qaaday ra’iisul wasaare Xamza oo sameeyay magacaabistaan.

Sidoo kale waxa ay isla xiriirisay arrintan iyo kiiskii Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ay sheegtay in horay looga hor istaagay kursiga Midowga Afrika.

“Iyadoo la ogyahay sida looga hiiliyey Xildhibaan Fowsiyo iyo diidmada loo diidey Kursiga Midowga Africa,hadda waxaan la yaabanahay oo caddaalad darro ah in Wasiirka Haweenka Soomaaliyeed loo dhiibo General loo adeegsan karo CIIDANKA XOOGGA DALKA. Aawey Xuquuqdii Haweenka Soomaaliyeed oo laf-dhabarka u ah jiritaanka Dowladnimada?” ayay qoraalkeeda ku tiri Senator Maryan Faarax Kaahiye.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

HAWEENKU MIYEYSAN AHAYN HAL-DOORKA SHACABKA SOOMAALIYEED?

Fowsiyo Yuusuf Xaaji iyo Kursiga ugu sarreeya ee Midowga Africa iyo Xilka Wasiirka Wasaaradda Haweenka!

Xildhibaanada labada Aqal ayaa Fowsiya siiyey awood buuxda oo ay JFS ku matasho;labada gole ayaa Xildhibaan Fowsiyo u uruuriyey lacag,lagana qaday dhammaan Xildhibaanada Sharafta leh!!

Xildhibaanada Sharafta leh,waxaan weydiiyey aawey awooddii aan Xildhibaan Fowsiyo shalay ku ansixinnay si mug iyo miisaan leh oo aan taariikhda loo arag?

Aawey awooddi Dastuurku inoo oggolaaday ee ah mid lama taabtaan ah?

Aawey sharaftii haybaddii iyo maamuuskii guud ee labada Gole astaanta u ahaa?

Aawey awooddi labada Gole Gudoomiye,Madaxweyne,Ra’iisulwaare iyo Xukuumadiisa ku ansixiyeen?

Xildhibaanada sharafta leh,maanta waxaan taagannahay ISKOYSIKII XAQA IYO BAADILKA lagu kala soocil lahaa,waana waajib ina wadasaaran in aynu awooddeena Dastuuriga ah soo ceshenno.

Kursiga Xildhibaan Fowsiyo loo diiday,maxaa lagu baddashay?yaase awood u leh in uu buriyo Go’aanka Labada Aqal?

DHANKA KALE,,

Shalay waxaa Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul- insanka loo magacaabay Generaal Goobbe!

Iyadoo la ogyahay sida looga hiiliyey Xildhibaan Fowsiyo iyo diidmada loo diidey Kursiga Midowga Africa,hadda waxaan la yaabanahay oo caddaalad darro ah in Wasiirka Haweenka Soomaaliyeed loo dhiibo General loo adeegsan karo CIIDANKA XOOGGA DALKA.

Aawey Xuquuqdii Haweenka Soomaaliyeed oo laf-dhabarka u ah jiritaanka Dowladnimada?

Haweenka Soomaaliyeed maanta waxay mudan yihiin in loo dhiibo Xilka Wasiirka Haweenka,maaddaama shaqadu tahay Daryeelka Haweenka,Carruurta iyo Xuquuqdooda!

In Wasaaradda Haweenka hadda loo magacaabo qof aan aqoon,dareen iyo waayo aragnimo midna u lahayn,waxay tusaale u tahay sida loogu tumanayo xuquuqda Haweenka Soomaaliyeed.

Waxaan aqaan Haween Soomaaliyeed oo dalka iyo dibedda jooga oo ka haysta PhD Arrimaha haweenka,Carruurta iyo xuquuqul Insaanka,maxaa Xilka Wasiirka loogu dhiibiwaayey?

Dowladi waa tan daryeesho shacabkeeda,gaar ahaan Haweenka iyo Carruurta,waana astaamaha lagu faano.



Source link