Sayid-Cali Macalin Da’ud oo mar kale la hor keenay Maxkamada Racfaanka G/Banaadir

Posted on




Sayid-cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisa ayaa maanta maalintii 3-aad la horgeynayaa Maxkamadda Rafcaanka G/Banaadir.

Maxkamadda ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay dhageysanaysay kiiska eedeysanaha waxaana la horkeenay maxkamadda marqaatiyaal cusub iyadoo sidoo kale su’aalo weydiisay eedeysanaha.

Maanta ayaa waxaa qorshuhu yahay in la dhageysto difaaca qareenada eedeysanaha oo fadhigii ugu dambeeyey maxkamaddu ku iclaamisay.

Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa Racfaan ka qaatay xukun dil ah oo ay horey ugu riday Maxkamada gobolka Banaadir, iyadoo la filayo in hadii maxkamada racfaanku ay xukunkaas ku raacdo uu mar kale rafcaan u qaadan doono maxkamada sare ee dalka.




Source link