(Sawirro) Su’aalo la iska weydiinayo shilka uu ku dhintay Madaxweyne Ibrahim Raisi

Posted on

Diyaaradda uu la socday Madaxweynaha Iran waxaa la sheegay inay ahayd nooca qumaatiga u kaca ee Bell UH-1N Twin Huey, taasoo ah diyaarad duug ah oo Mareykanka uu howlgeliyay sannadkii 1970, sida warbaahinta Ruushka ee TR, ay ka soo xigatay sarkaal ka tirsan dawladda Iran.

hadaba shilka uu ku dhintay Madaxweyne Raisi iyo xubno kale waxaa ka taagan su’aalo intooda badan aan loo heynnin jawaab waafi ah waxaa ka mid ah.

Waxaa la soo sheegay horraantii in diyaaradda Madaxweynaha meel ku degtay ama ku dhacday, halka labo diyaaradood oo kale oo Madaxweynaha la socday la sheegay inay si nabad ah safarka ku dhammeysteen haddaba

  • Sidee bay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ilaalinaya madaxweynaha uga bixi karaan galbinta diyaaradda helicopter-ka madaxweynaha uu saaran yahay?
  • Maxaa hal diyaarad wada saaray madaxweynaha iyo sarkaalka u sarreeya diblomaasiyada; Wasiirka Arrimaha dibadda?
  • Sidee ay kooxda la socodka cimilada u oggalaatay inay duusho diyaaradda madaxweynaha xilli ay jirtay xaalad xun oo cimilada ah iyadoo ay tahay in xaalad kasta la qiimeyo marka uu safrayo madaxweynaha?
  • Waxaa jirtay in duulimaadka uu ahaa saddex diyaaradood oo isku awood ah, sidee ku dhacday in labada diyaarad ee kale ay si nabad ah safarka ku dhammeystaan, halka diyaaradda madaxweynaha ay tahay midda khatarta la kulantay?
  • Waa maxay daciifnimada illaa heerkaas gaarsiisan ee adeegga gurmadka deg deg ah ee Iran, oo aan lagu helin dhimasho iyo geeri Madaxweynaha, xilli dhacdada ay ka soo wareegatay saacado fara badan.

Wasiirka Gaadiidka Turkiga, Cabdulqaadir Uraloglu wuxuu sheegay diyaaradda la dhacday madaxweynaha Iran ee geeriyooday inaysan lahayn wax nidaam digniin ka bixiya khataraha.

Su’aasha kale ee taagan waxay tahay sidee dayuurad noocaas ah loogu aaminay iney safar dheer u qaado Madaxweyne.

F:G:- Illaa hadda ma jiraan calaamado shaki leh oo muujinaya in shilkan uu ka dhashay shirqool loo maleegay Madaxweynaha, waxayna u muuqataa in sababtiisa aheyd oo kaliya dayuurada oo aheyd mid gabowday iyo cimilada oo xumaatay inkastoo weki ay socdaan baaritaano.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA GOOBTA SHILKU KA DHACAY

 

Source link