(Sawirro) Muuse Biixi oo xalay la caweeyey shacab isugu soo baxay Hargeysa

Posted on




Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay la caweeyey shacab isugu soo baxay barxada Taaladda Taariikhiga ah ee ay saaran tahay Diyaarad la sheegay in lagu xasuuqay shacabkii reer Somaliland xiligii dowladii hore.

Waxaa taalada ku sugnaa kumanaan dad ah oo u dabaaldegayey maalinta ay Somaliland sheegtay iney ka go’day Somalia inteeda ee 18 May oo ay ka soo wareegtay 33 Sanno

Muuse Biixu ayaa la dabaaldegay shacabkaas, isagoo markii danbena u gudbay qaar ka mida Degmooyinka Caasimada Hargeysa oo iyana  ay isugu soo baxeen bulshada qaybeheeda kala duwan.

Somaliland ayaa maalmahan waxaa ka socday qabanqaabo xoogan oo loogu diyaar garoobayo munaasabada 18ka May oo ku beegan beri oo Sabti, taasoo ku aadan 33 guuradii ka soo wareegtay markii ay shaaciyeen iney ka madax banaan yihiin Somalia ayna yihiin dowlad gaar ah inkastoo illaa hadda aysan helin aqoonsi caalami ah.




Source link