(Sawirro) Malaayiin Muslimiin ah oo maanta dul taagan Carafa, iyagoo gudanaya Xajka

Posted on

Dad Muslimiin ah oo kor u dhaafaya illaa labo milyan oo ruux ayaa maanta dul taagan Buurta loo yaqaano Carafa ee dalka Boqortooyada Sacuudiga, kuwaasoo ka kala yimid dalal aad u kala fog oo ku kala yaala caalamka Islaamka, iyagoo gudanaya waajibaadka Xajka sanadkan.

Xajka oo ka mid ah shanta tiir ee asaaska u ah Islaamka ayaa sanad walba ka dhaca magaalooyinka barakeysan ee dalka Sacuudiga sida Maka Al Mukarama, Madiina Al Munawara iyo kuwo kale, iyadoo Ma’suuliyiinta boqortooyada Sacuudi Carabiya ay sheegeen in sanadkan uu aad u yaraa dadka ku dhinta isbuurashada iyo dhibaatooyin kale oo dadku ay la kulmi jireen sanadihii hore ka dib markii la balaariyey dib u habeyna lagu sameeyey goobaha ugu badan uu dhibaatooyinka qaar ay ka dhici jireen.

Sacuudiga ayaa sanad walba waxay balaayiin dolar ku bixiyaa sidii ay qaabka ugu wanaagsan ugu gudan lahaayeen Xajka dadka faraha badan ee gudanaya waajibaadkaas diiniga ah, iyagoo u diyaariya gaadiid, meelo ay degaan iyo isbitaalo wareega oo la tacaalaya dadka xujeyda ah ee xanuunada deg deg ah ay ku dhacaan iyo adeegyo kale.

Kumanaan Ciidamo oo ammaanka ilaalinaya ayaa la dhigay goobaha waajibaadka xajka lagu gudanayo.

Xujey badan oo Soomaali ah ayaa sanadkan ka qeyb galaya waajibaadka Xajka kuwaasoo kor u dhaafaya 11 kun oo ruux oo ka yimid gudaha dalka iyo qaar kale wadamada caalamka ka soo hayaamay, waxaana ka mid ah culumaa’udiin iyo masuuliyin ka tirsan dowlada Somalia oo ay ka mid yihiin, Wasiiro, Xildhibaano iyo agaasimayaal ka tirsan wasaaradaha dowlada.

Maanta oo ku beegan maalinta Sagaalaadka bisha Dul-Xaj, ayaa waxaa sooman inta badan muslimiinta aan ka qaybgelin Xajka ee ku kala nool daafaha caalamka, waxayna Alle ka baryayaan inuu u dhaafo dambiyadii ay horay u galeen, iyadoo Maalinta beri oo axad ahna ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Adxa oo dunida Islaamka oo dhan si weyn looga dabaaldago, waxaana dunida Islaamka ka socda diyaargarow loogu jiro soo dhaweynta ciiddal adxaa.

Source link