“Sawirro” Ciidamo huwan ah oo la wareegay Deegaanka Buulo-Xaaji iyo Axmed Madoobe oo…

Posted on




Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo garab ka helayay ciidamada daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa maanta si buuxda ula wareegay deeagaanka Buula-xaaji oo qiyaastii 90-km u jirta magaalada Kismaayo.

Kooxda Al Shabaab ee horey ugu sugneed deegaankan ayaa isaga carartay kaddib markii ciidanka ku dhawaadeen, waxaana deegaanka hadda isku fidiyay oo ku sugan ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxcamed Islaam (Madoobe) ayaa hambalyo u diray ciidamada kumaandooska ee Danab iyo kuwa Jubbaland ee maanta ka saaray kooxda Al Shabaab deegaanka Buul-xaaji.

”Waxaan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ciidamada geesiyadda ah ee Jubaland iyo xooga dalka oo maanta guulo muhiim ah ka gaaray howlgalka deegaanada Jubaland lagaga cirib tirayo Khawaariijta oo maanta si rasmi ah u bilowday. Ciidamada ayaa la wareegay deegaanka Buulo-xaaji ee Degmada Badhaadhe halkaas oo si nabad ah ciidamadu ay ku tageen kadib markii ay iskaga carareen Khawaariijta” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in rehjo weyn ka qabaan in maalmaha soo socda Al Shabaab laga saaro deegaanno iyo degmooyin ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka, waxa uuna xusay in shacabka deegaannada la xureeyo gaari doonaan adeegyada dowladda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link