Saraakiisha Booliska Gobolka Banaadir oo kulan xasaasi ah yeeshay (Sawirro)

Posted on




Taliyaha Qeybta Guud Ee Boliiska Gobolka Banaadir G/sare Mahdi  Cumar Muumin Ayaa kulan la Qaatey Dhamaan  Taliyayaasha Saldhigyada Boliiska Gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha  fadhiyada Gaarka ah ee Boliiska  Gobolka Banaadir

Kulankan  waxaa goob Joog ka ahaa  Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed G/le Cabdifataax Aadan Xasan , Taliye Xigeenka 2.aad ee Qeybta Guud ee Boliiska G.banaadir  G/le Shuceyb Cabdi Maxamed

Shirkaan  ayaa Muhiimadiisa aheyd  Xoojinta Shaqada iyo La dagaalanka Kooxaha falal Amniga lidka ku ah ka sameeyo  meela ka mid ah caasimada .

G/sare Mahdi Cumar Muumin Taliyaha Q/Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa  Bogaadiyey Howl-Galadii Guuleystey oo ay sameeyeen Dhamaan Saldhigyada Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir  Howl Galadaas oo ay ugu Horeeyaan  Ladagaalanka Kooxaha Faafiya ama Abuuro  Colaada ,kala geynta Bulshada  iyo Anshax Xumada  Dhaqanka Suuban ee Soomaaliyeed  .

Taliyaha Ayaa Kula dardaarmay  Dhamaan Saraakisha in ay  la Dagaalamaan  waxkas oo Bulshada dhaqankeeda iyo  Wadajirkeeda dhibaata ku ah  Talaabana ka qaadaan cid kasta oo lug ku yeelata Arimahaas.




Source link