Saraakiil Soomaaliyeed oo xaflad qalinjebin ah loogu qabtay dalka Rwanda (Sawirro)

Posted on




Dalka Rwanda waxaa daraasad waxbarasho  kusoo gabagabeeyay saraakiil katirsan ciidamka booliiska Soomaaliya, kuwaa oo muddooyinkii lasoo dhaafay waxbarasho dhanka ciidamada uga socday dalka

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaana maanta dalka Rwanda uga qeybgalay Xaflada ay ku qalinjabinayeen saraakiisha ka tirsan booliska Soomaaliyed ee tababarka loo soo xiray.

Saraakiishaan ayaa bartay hoggaaminta ciidanka, maamulka iyo maaraynta, nabadda iyo xal u helidda xasaradaha taagan, waxana ay qateen shahaadada heerka 2-aad ee Jaamacadda dalka Rwanda.

Tirada saraakiisha Soomaaliyeed ee ka qalinjabisay jaamacadda kutaalla dalka Rwanda ayaa gaaraya 34 sarkaal, waxana qeyb ka ahaayeen saraakiil ka kala socotay qaar kamid ah dalalka Africa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link