Saraakiil Sacuudiyaan ah oo qarsoodi ku yimid Muqdisho + Ujeedka

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Saraakiil milatari oo ka socda Boqortooyada Sacuudiga ayaa gelinkii dambe ee shalay soo gaaray gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay gudaha caasimada.

Saraakiishan ayaa markii ay kasoo dageen garoonka Aadan Cadde horay ka bilaabay booqashooyin, waxayna tageen xerada General Gordan oo ah goob oo uu Imaaraadka ku tababaro ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ujeedka booqashada ayaa ahaa mid ay ugu guurgalayeen xaaladda guud ee xeerada, waxaana lagu sheegay in booqashadaas ay ahayd mid indho-indheyn ah oo kaliya.

Sidoo kale waxaa wafdigan saraakiisha ah ee ka socda dalka Sacuudiga ay kulamo la bilaabeen hoggaanka sare ee wasaaradda Gaashaadhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka, kuwaas oo looga hadlayo xiriirka iyo iskaashiga ay leeyihiin labada dhinac.

Sida ay ogaatay Wararka Maanta qorshaha uu wafdigan u yimid Muqdisho ayaa waxaa qayb ka ah hirgelinta heshiis difaac oo ay horay u wada galeen labada dowladood.

Sacuudiga ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee xiriirka wanaagsan laleh Soomaaliya, wuxuuna hadda doonayaa inuu sii xoojiyo iskaashiga dhinaca milatariga ah, kana qayb qaato dhismaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Maraykanka, Turkiga iyo Emarat-ka Carabta ayaa horay saamayn ciidan ugu lahaa Soomaaliya, kuwaas oo taageero milatari siiya dowladda federaalka oo haatan dagaal adag kula jirta kooxda A-Shabaab

Sacuudiga waxaa sidoo kale ka horreeyay Masar oo iyadana dhowaan heshiis difaac la gashay Soomaaliya, sidoo kalena usoo direysa ciidamo ku biiraya howgalka cusub ee beddalaya ATMIS oo la filayo in sanadkan dhammaadkiisa ay ka baxdo guud ahaan dalka.



Source link