Sameh Shoukry oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee Somalia (Sawirro)

Posted on

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Mudane Sameh Shoukry ayaa nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ali Abdi Awaare.

Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa uga Mahadceliyey Wasiirka Arimaha Dibada Dawladda Masar sida wanaagsan ee uu uqaabilay.

wuxuu u gudbiyey salaan iyo bogaadin uu faray Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi

Kulanka kadib ayuu safiirka Soomaaliya ee Masar sheegay inu sii xoojin doono xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee ka dhexeeya shacabka iyo Labadda dal gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo Dhaqaalaha.

Danjiraha ayaa la filayaa inuu sidoo kale warqadaha aqoonsiga ka gudoomo Madaxweynaha dalka Masar al Sisi, wuxuuna bedelayaa danjirihii hore ee Somalia u fadhiyey dalkaas oo muddo xileedkiisu dhamaaday.

Source link