Safarkii 21-ka cisho ee Guudlaawe oo muujiyey rajada cajiibka ah ee soo kabashada dalka

Posted on

Jowhar (Wararka Maanta)- 17-July-2024, Safar dhulka ah oo Muqdisho uga bilowday wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo qaatay 21 maalmood oo xiriir ah ayaa 6-dii bishaan Agoosto ku soo dhamaaday caasimada maamulkaas ee Jowhar, wuxuu noqday safar taariikhi ah oo muujiyey guusha laga gaaray soo nooleynta nabadii luntay ee Soomaaliya iyo halganka dalkaan looga xoreynayo cadowga Khawaarijta ah.

Deegaanada HirShabeelle sanado ka hor waxaa adkeed in la isaga safro khatarta Khawaarijta awgeed, laakiin maanta Madaxweynihii ugu sareeyey dadka deegaanadaas ayaa horfariisana bulshada, oo dhageysanaya, aragtida, codsiga, dalabka iyo talooyinka bulshada.

Kadib xoreyntii HirShabeelle soo bilaabay wixii ka dambeeyey May 2022, markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh, bilo kooban gudahoodna lagu guuleystay, waxaa soo noolaatay kalsoonidii amni iyo noloshii bulshada, maadaama dadku ka xoroobeen arxan darradii Khawaarijta.

Safarkii Muqdisho uga bilowday wuxuu madaxweynaha HirShabeelle ku maray Shabeellaha Dhexe: Warsheekh, Raagaceelle, Cadale, Masjid Caligaduud, Aadan-yabaal, Alkowthar, Ceelbaraf, Biyacadde, Miir-taqwo Mahadaay iyo deegaano kale oo muhiim ah,  Hiiraan: Moqokori, Tardo, Mabaax, Xaawo-Gadiid, Gumarre, Ceelqooxle, Mooro-Ari iyo Jalalaqsi, ugu dambeyntiina waxay Madaxweynaha iyo wafdigiisa 21 cisho kadib waqooyi ka soo galeen caasimadda Jowhar.

Deegaan ama degmo kasta wuxuu Madaxweynuhu ka qeyb gelayey kulamo dadweyne oo shacabku si furan su’aalo uga weydiinayeen waxa ay qabaan, isagoo si kalsooni iyo sareexa leh uga jawaab celinayey, hadii shalay dadku codsa jireen in laga xoreeyo oo laga dulqaado cadowga laayaanka ah ee Khawaarijta, maanta waxay ka fikirayaan hormarka deegaankooda, adeeg dowladeed oo bilaash ah, dalaga beeraha iyo iftiinkii waxbarashada ee dam-yiri waayihii Khawaarijta oo hadda lasoo yabyabayo.

Madaxweyne Cali Guudlaawe, inta degmo ee uu tegay 21-kaas maalmood wuxuu ku dhex jiray, dhagaxdhigga mashaariic cusub oo hadda hirgelintooda la bilaabay iyo xarig Jarka kuwo hir-galay, waana talaabooyin cajiib ah muujinaya guulaha taariikhiga ah ee nolosha ay ka gaareen reer HirShabeelle muddo labo sano ah dowladda Soomaaliyeed ay gunta-dhiisha isaga dhigtay, kuna guuleysatay inay dadkaas ka dul-qaado oo ka xoreyso cadowgii jiqayey dhiigooda ee Khawaarijta.

Degmo ama deegaan kasta ee 21-kaas maalmood uu tegay Cali Guudlaawe wuxuu ka xarig-jaray ama ka dhagax-dhigay, Dugsiyadii Tacliinta, Xarumihii Maamulka, Saldhigyadii Booliska, Isbitaaladii adeegga caafimaadka iyo xarumihii Hooyada iyo Dhallaanka MCH, Garoomadii Cayaaraha, Goobihii Garsoorka, Nalalka Cadceeda, Ceelashii Biyaha, Suuqyadii iibka iyo Xanaanada Xoolaha, Buundooyinka looga gudbo togaha biyaha, Suuqyadii Kalluunka, Aargooyinka astaanta u ah magaalooyinka dalka iyo goobo kale dan-guud ah.

HirShabeelle, inta badan Magaalooyinka aan soo tiriyey oo dadka ku nooli ay maanta heystaan neecowda xoriyadda, labo sano kahor waxay ku jireen gumeysiga Khawaarijta, qofka ugu aragtida dheer ayaa lagu hor-gowrici jiray dadka, si loo gumeysto, loomana ogoleyn nolosha xoriyadda badan ee maanta ay ku fekerayaan, iskadaa inay Madaxweyne su’aalaane, dadkani ma arki jirin muuq dowladeed.

Nolosha qurxoon iyo hormarka bulsho ee ka soo ifbaxay HirShabeelle, wuxuu dadka ay deegaanadooda weli joogaan arxan laa-wayaasha Al-Shabaab ku dhiiri-gelinayaa inay kacaan oo dagaalamaan, kolkaas ayey harsa doonaan hooska halgankooda, waxaana marag madoonto ah in qof ama qoys kasta oo maanta u istaagay dagaalka Khawaarijta uu hiil iyo hooba ka heli doono dowladiisa.



Source link