Sacuudiga oo labo shardi ku xiray inuu xiriir diblomaasi la sameysto Israel

Posted on




Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa shaaciyay inuu dhow yahay heshiis taariikhi ah oo Mareykanka iyo Sacuudiga ay gaarayaan, wuxuu la xiriira iskaashiga difaaca oo ay Riyadh ku helayso dammaanad qaad amni iyo hirgelinta dhismaha barnaamij nukliyeer ah oo Mareykanka uu maamulli doono.

Waxaa jira labo qodob Sacuudiga ka hor heshiiska wuxuu oggalaanaya inuu joojiyo hubka uu ka iibsado Shiinaha, marka la saxiixo Riyadh waxay xiriir diblomaasi oo ay ku aqoonsanayso la yeelanaysa Israa’iil, tan dambe wuxuu Sacuudiga ku xiray in la joojiyo dagaalka Qasa, lana dhiso dawladda Falastiin.

Biden si uu u raadiyo dhacdo taariikhi ah ka hor doorashada November, wuxuu culeyska oo dhan saaray Sacuudiga si uu u  aqoonsado Israa’iil oo ay dhisaan xiriir diblomaasiyadeed oo calanka Israa’iil lagu geynayo Riyadh iyo Jiddah inkastoo shuruudo adag Sacuudigu ku xiray.

Israel ayaa ku riyooneysa iney maalin maalmaha ka mid ah xiriir diblaasiyadeed la yeelato Sacuudiga oo ah dal hogaan u ah dunida muslimka si ay isaga yareyso culeyska ka heysta dhulka ay boobtay iyo bariga dhexe guud ahaan




Source link